Madax goboleedyada oo si isku mid ah u diidan in lasii wado doorashada + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha midowga musharixiinta ayaa dib boorka uga jafay walaaca ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka Aqalka Hoose, oo u muuqata mid billowgeeda uusan dhoweyn.

Khudbooyinkoodii ugu dambeeyey ee xalaadda dalka ayey ku muujiyeen rajo xumo. Mashruuca doorashada Soomaaliya ayaa si gaabis ah ku socda, waxaana kaloo xooggan walaaca ku saabsan inaysan doorashada golaha Shacabka xilli dhow qabsoomi karin.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu isaga ku mashquulsan yahay doorasho deegaan umana muuqda nin ahmiyad siinaya doorashada heer Federaal, waxayna xogta sheegeysaa inuusan rabin inuu bilaabo doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya illaa ay ka dhammaaneyso doorashada deegaanada hoose ee Puntland oo dhawaan bilaaban doonta sida uu qorshaha yahay.

Deni ayaa waxaa hadda ku socda cadaadis caalami ah oo dalbanaya inuu billaabo doorashada Golaha Shacabka, lamana yaqaano waxa iska badali doona.

Hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariiye Qoor Qoor isaga waxaa lagu imtixaana kooxda Ahlu Sunna oo isku dayeysa inay awood ahaan dib usoo noqoto.

Qoor Qoor waxaa weli ku harsan doorashada laba xubnood oo Aqalka Sare ah. Waayahaan wax ku saabsan doorasho Federaal ah kama uusan hadlin.

Xubnaha ku dhow dhow waxaa laga soo xigtay inuusan wax doorasho ah ka hadleyn illaa uu kooxda Ahlu Sunna kasoo afjaro xeelad ama xoog middii ay noqotaba, waana loolan furan oo aan la aqoon waqtiga uu dhammaan doono.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen isaga waxaa weli laga fujin la’yahay laba deegaan doorasho. Waa hoggaamiye goboleedka kaliya ee weli ku dhagan in la isticmaalo laba deegan doorasho.

Lafta Gareen waxaa mabda’ u ah inuu ku shaqeeyo wax walba oo uu xal u arko madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhowr jeer oo la isku dayey in lagu qanciyo in wax laga badalo qodobka deegaan doorashada ee ku jiray heshiiskii 17-kii September waxaa la sheegay inuu aad uga madax adeegay.

Hadda koox Farmaajo ku dhow dhow ayaa kula talineysa inuu qabto doorshada Afar illaa Shan Kursi oo Aqalka hoose ah oo uu ku qabto Baraawe iyo Baydhabo si loo soo afjaro damaca ku aadan in loo laabto hal deegaan doorasho, mana cadda inuu sidaas ku dhaqaaqi doono.

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) weli wuxuu raajicinayaa hal deegaan doorasho isagoo rabo in kuraasta taalo Garbahaarey lagu soo celiyo Magaalada Kismaayo oo uu maamulkiisa ku xooggan yahay.

Doodiisa ugu badan waa in dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba la qaban karin laba deegaan doorasho. Axmed Madoobe weli waxaa ku harsan doorashada Afar kursi oo Aqalka Sare ah. Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale la sheegay inay isku aragti ka yihiin damaca hal deegaan doorasho.

Madaxweyne Farmaajo isaga waqti qabow ayuu ku qaadanayaa Villa Somalia, umana muuqdo in rabo inay deg deg wax kusoo dhammaadaan, wuxuuna fursad weyn u arkaa in aysan jirin cid ku eedeyn karta fashilka doorashada maadaama uu Maalin cad iska wareejiyey mas’uuliyadda doorashada iyo amnigeeda.

Mucaaradka waxaa dhiig baxaya jeebkooda, ma ahan sida dowladda oo ma heystaan shidaal badan, waxay jeclaan lahaayeen in doorashada deg deg loo qabto, waxaana aad u badan qeylo dhaantooda.

Dhawaan waxay sheegeen in golaha wada-tashiga Qaran uu qaadanayo mas’uuliyadda fashilka doorashada. Mucaaradka waxay ku doodayaan in hubanti la’aanta doorashada ay sababtay inay hoos u dhacdo rajadii shacabka, inuu mugdi hareeyey maal-gashigii, kaalmadii caalamiga, deyn cafintii iyo mataladii Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey hoos u dhacday rajadii laga qabay in doorashada Baarlmaanka ay ku dhammaato inta ka harsan sanadkaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 8 bilood oo dheeri ah joogo xafiiska, Afar bilood ayuu u baahan yahay si uu u qaato Hal Sano oo muddo kororsi ah, waxaana xataa jirin rajo ah in 8-da February 2022 la qaban karo doorashada madaxweynaha.