Madax ka socotay maamul goboleedyada oo hal arrin kala hadlay Sheekh Shaakir

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ku kulmeen madaxa xukuumada Galmudug iyo xubno ka socday dowlad goboleedyada.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa ka qeyb galay xubno matalayay Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, waxaana ay la kulmeen madaxa xukuumadda Galmudug.

Qaar kamid ah xubnaha ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay inay madaxa xukuumadda kala hadleen arimo dhowr ah oo ay ugu horeyso dhameynta xiisadda ka dhex taagan madaxda Galmudug.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kulanka looga hadlay sidii sida Wadajir ah looga qeyb qaadan lahaa dhamaan maamulada dhameynta Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalooyinka Galmudug.

“Waxaa kulan aad u muhiim ah la qaadaney annaga oo ah Madax ka kala socotay Dowlad goboleedyada Soomaaliya sida : Galmudug ,Jubbaland ,Hirshabelle ,South west Madaxa xukuumada Galmudug state Sheikh Mohamed Shaakir Ali Hassan waxa uuna kusoo dhamaaday kulankeena is afgarad waxa uuna u badnaa tusaaleyn ,kala warqaadasho iyo waano”sidaasi waxaa shaaciyay mid kamid ah xubnaha ka qeyb galay kulanka.

Senetor C/raxmaan Faroole ayaa horey madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay xaliyaan khilaafka Galmudug, maadaama iyaga ay kasoo jeedaan deegaanada maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com