Madaxweyne Xasan oo soo saaray baaq deg deg ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday kaamamka barakacayaasha ee magaalada Baydhabo ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweynaha ayaa booqashadiisa ugu kuurgalay xaaladda nololeed ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha ka jira dalka, biyo la’aanta iyo dhibaatooyinka ay argaggaxisadu ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aan haysanno lala wadaago, garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo.” ayuu yiri.

Waxa uu faray hay’adaha dowladda in la dardar-geliyo hawlaha gurmadka abaaraha, oo uu dhawaan u magacaabay ergay gaar ah.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in ubadka Soomaaliyeed ee xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo ay ku jiraan dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso wax-ka-qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira dalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo xusay in dowladdu dhowaan magacowday ergay gaar ah oo ka shaqaynaya isku-xirka arrimaha gurmadka abaaraha.

Waxaa booqashada madaxweynaha ku wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.