Madaxweynaha SOMALIA oo ka hadlay qaraxii lala eegtay Axmed Madoobe

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa cambaareeyay Weerar lala beegsaday   Axmed Maxamed Islaam isagoo ku tilmaamay weerarka oo ahaa Ismiidaamin mid looga horjeedo horumarka ay Shacabku gaareen.

Xasan Shiikh ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dadkii ku dhintay Weerarkaas uu Alle u Naxariisto kuwii ku dhaawacmayna uu siiyo caafimaad deg-deg ah, isagoo ku baaqay in laga hortago kuwa falalkaas ku kacaya.

“Kooxda Al-shabaab markii ay ku guul-dareysteen dagaalka ay kula jiraan DF ayaa waxay go’aansadeen inay Qaraxyo naf-lacaarinimo ah ay shacabka iyo Mas’uuliyiinta Somalida la beegsadaan, waana kuwo aysan melena ku tegi doonin” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Shacabka Gobolada Jubbooyinka iyo Madaxtooyada inay ka shaqeeyaan sidii ay kooxda Nafla-caariga ah ee Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaanada ay Jubooyinka uga sugan yihiin si dhagartooda ay uga Nabadgalaan.

Sh. Axmed Madoobe ayaa maanta lagula beegsaday Kismaayo Qarax weyn oo ahaa mid Ismiidaamin ah, kaasoo uu fuliyay ruux watay gaari waxyaalo Qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo uu dhaawac kasoo gaaray Hogaamiyaha Jubooyinka.

Qaraxaas ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay Askar ilaalo u ahayd mas’uulka iyo dad badan oo shacab ah, inkastoo aysan jirin mas’uul kale oo maamulka ka tirsan oo waxyeelo ay kasoo gaartay Weerarkaas.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii laga saaray Kismaayo waxay wadaan falal ka dhan ah Amniga, iyagoo dhowr jeer oo hore ka geystay degmadaas qaraxyo ay waxyeelo kasoo gaartay Ciidamada AMISOM, kuwa Maamulka iyo shacab ka mid ah kuwa ku nool degmadaas.

Maamulka Jubba ayaa wuxuu bishii hore heshiis dhowr qodob ka kooban kula saxiiday Addis Ababa wafdi ka socday DF, kaasoo dhigayay in maamul KMG ah oo lagu magacaabo Jubba loo sameeyo Gobolada Gedo iyo Labada Jubba kaasoo maamulaya deegaanadaas Mudo laba sano ah.