Madaxweynaha Somaliya ka hadlay weerarkii France ee Buulo-mareer

Wanshinton (Caasimada Online) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan dalka Maraykanka ayaa ka hadlay weerar dhawaan ka dhacay deeganka Buulo-Mareer ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa aan lagu soo wargalin howgalkaas oo ay fuliyeen ciidamo qaas ah oo ka socda dowladda Faransiiska, in kastoo uu noqday mid fashilmay.

Madaxweynaha oo la hadlaayay idaacadda VOA ayaa sheegay in aan marnaba lagala tashan, oo aan lala socod siin howlgalkaas cid ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu aaminsan yahay in haddii lagu soo wargelin lahaa dowladda in sida ay wax u dhaceen iyo dhibaatada weerarka ka dhalatay aysan dhici laheyn.

Wuxuu kaloo sheegay in dowladda Faransiiska ay kala hadleen qaabka uu howgalka u dhacay iyo in ay tacsi u direen dowladda.

Weerarkaas ayaa dowladda Faransiiska waxa ay ku weysay labo askari iyo Denis Alex oo ahaa sarkaalkii lagu soo badbaadin lahaa, isla markaana dhowr qof oo rayid ah ayaa ku dhintay.

Al-Shabaab ayaa khamiistii shaley sheegay in la dilay Mr. Alex oo muddo afar sano lagu heestay Soomaaliya.

Ninkan ayaa laga afduubtay hotel Saxafi oo ku yaalla KM4 ee magaalada Muqdisho, waxana isaga iyo nin kale qaybsaday kooxo islaamiyiin ah.

Wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiirka gaashandhigga Soomaaliya ayaa horrey u sheegay in ay ka xun yihiin wixii ka dhacay Buul-Mareer iyo in aan lagu soo wargalin howgalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi