Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib kulan wadajir ah oo ay Xildhibaanada Labada Aqal ku yeesheen xarunta Villa Hargaysa.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo guulaha la taaban karo ee ay xaqiijisay dowladdiisa.
Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka, isaga oo ku ammaanay doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaateen dowlad-dhiska dalka, xoojinta isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, horumarinta sharciyada muhiimka u ah qaranka iyo matalaadda danaha shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wuxuu si qoto dheer uga hadlay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay sii waddo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya, isla markqqna guulo la taaban karo laga gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta, kuwaas oo ay hormuud u yihiin Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed oo garab ka helaya shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa iftiimiyey horumarka laga gaaray geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo adkeeyey sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelinta doorashooyin toos ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka, si loo xaqiijiyo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna xoojiyo dowladnimada iyo ka qaybgalka muwaadiniinta.
Furitaanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo aaday, iyada oo ay jiraan caqabado siyaasadeed oo waaweyn, kuwaas oo la xiriira sharciyadda kalfadhiga sannadka dheeraadka ah. Arrintan ayaa sii xoojisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hay’adaha federaalka.
Kalfadhigan waxaa Labada Gole eE Baarlamaanka horyaalla shaqooyin adag, iyadoo ajandaha ugu horreeyo uu noqonayo qabashada doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, maadaama uu xilkaas banneeyay Aadan Madoobe oo dhawaan loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.


