Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay inay shacabka Muqdisho ‘afduuban yihiin’

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta baarlamaanka maamulkaasi ka jeediyey khudbadiisa sanad-laha ah ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaaladda adag ee Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in shacabka ku dhaqan Muqdisho ‘ay yihiin dad afduuban’ islamarkaana laga yeesho sida la rabo, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in madaxda talada heysa ay sidoo kale qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka Soomaaliyeed sii kala fogeneysa.

“Shacbiga Muqdisho iyagaaba afduuban, dadka talada u hayaana waxay qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya,” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday marxaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu xafiiska sii joogo, isaga oo aan heysan sharci ama muddo kordhin heshiis lagu yahay.

“Maanta Muqdisho dowladdii hore wakhtigeedii wuu dhammaaday dawlad cusubna lama dooran sharcigana uma kordhin haddana wuu fadhiyaa waana maamulayaa, ”ayuu yiri.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale khudbaddiisa diirada ku saaray arrimaha Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka, dhaqaalaha, amniga iyo horumarada la gaaray.

Si kastaba ma’ahan markii ugu horreysay ee ay Somaliland ka hadasho arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ah ee lagu jiro.