Cirro oo Nairobi kulan xasaasi kula yeeshay wakiillada beesha caalamka kuna wargeliyey in…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) — Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wakiillada beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi.

Sida ay baahisay Madaxtooyada Somaliland, Cirro saga ayaa wakiillada caalamiga u soo bandhigay horumarka ay ku tallaabsatay Somaliland, mudnaanta maamulka iyo hiigsiga xukuumadda ee ku aaddan xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Somaliland ay doonayso iskaashi iyo maalgashi ku dhisan dano-wadaag iyo wax-wada-qabsi, halkii ay ku tiirsanaan lahayd gargaar dibadeed iyo gacan-hoorsi.

Sidoo kale waxa uu wakiillada beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah u sheegay in nabadda iyo xasilloonidu ay yihiin mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisa, isafoo tilmaamay in ka badan 6,000 oo ciidan-beeleed ah, iyaga iyo qalabkoodiiba, si nabad ah loo qarameeyey, tababarna loo furay, kaddibna lagu daray ciidanka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xusay in shaqaaqooyinkii ka dhacay gobolada Galbeedka lagu wajahayo wada-hadal, dib-u-heshiisiin iyo hannaanka nabadaynta iyo wada-xaajoodka ee ay bulshada Somaliland muddada dheer ku soo caano-maashay.

Sidoo kale, waxa uu beesha caalamka u caddeeyey in Somaliland ay ka go’an tahay in arrinta Laascaanood lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo hannaan nabadeed oo walaaltinimo ku dhisan.

“Madaxweynuhu waxa uu xusay in aqoonsigii ay Dawladda Israa’iil 26-kii Diseembar 2025 ku aqoonsatay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland uu ahaa dhacdo taariikhi ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale sheegay in aqoonsiga Israa’iil aanu ahayn dhammaadka geeddi-socodka aqoonsi-raadiska Somaliland, balse uu qayb ka yahay xaqiijinta himilada ay shacabka Somaliland muddada dheer ku taamayeen, sida uu hadalka u dhigay.

Xagga horumarka, Cirro waxa uu sheegay in xukuumaddiisu mudnaan gaar ah siinayso horumarinta waddooyinka, biyaha, tamarta, caafimaadka, waxbarashada iyo isgaadhsiinta. Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay ka socdaan mashaariic waddooyin istaraatiiji ah, halka hoos-u-dhigista qiimaha korontada iyo maalgashiga tamarta nadiifta ahi ay qayb muhiim ah ka yihiin dadaallada lagu dardargelinayo koboca dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale, Cirro waxa uu tilmaamay muhiimadda sugnaanshaha biyaha dalka, gaar ahaan sahminta iyo ka faa’iidaysiga kaydka biyaha dhulka hoostiisa ku jira, isaga oo beesha caalamka ugu baaqay iskaashi dhinacyada khibradda, farsamada iyo tiknoolajiyadda ah.

Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyey in Somaliland aanay beesha caalamka ula iman liis codsiyo iyo gacan-hoorsi ah, balse ay la wadaagayso natiijooyin horumarineed oo dhab ah, waxqabad la taaban karo iyo fursado iskaashi oo labada dhinacba dan u ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa wakiillada caalamka ugu baaqay inay Somaliland ku qiimeeyaan xaqiiqada ka jirta dalka, waxqabadkeeda iyo hannaankeeda dawladnimo, isla markaana ay ula macaamilaan si waafaqsan xaqiiqooyinkaas, loona sii xoojiyo wax-wada-qabsi dhab ah.

Waxa uu sidoo kale ku boorriyey beesha caalamka inay garwaaqsato xaqiiqada biyo-kama-dhibcaanka ah ee Somaliland iyo doorka lama huraanka ah ee ay ku leedahay nabadda, amniga, ganacsiga iyo guud ahaan horumarka Gobolka Geeska Afrika.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkiisa ku soo afmeeray in iskaashiga Somaliland iyo beesha caalamku uu ku dhisnaado xaqiiqo, waxqabad, is-ixtiraam iyo dano-wadaag, si loo abuuro mustaqbal ku salaysan nabad, xasillooni, horumar iyo barwaaqo waarta oo faa’iido u leh shucuubta gobolka Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News