Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada MARKA iyo ujeeddada safarkiisa

Marka (Caasimadda Onlin) – Wararka ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo gaaray Magaalada Marka.

Wafdi uu hoggaaminyo Madaxweynaha oo isugu jiro Xildhibano iyo Taliyaal ciidan ayaa gaaray Magaalada Marka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Marka iyadoo la adkeeyey Ammaanka Magaalada.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu u dhiira gelin lahaa Ciidamada 14 October oo dhawaan halkaas dagaal kula galay Kooxda Al-Shabaab oo ay dhibano u aheyd Magaalada Kismaayo.

Ciidamadaas ayaa dhawaan dib u heshiisiin u sameeyey Beelo halkaas ku dagaalamay, wuxuuna Madaxweynaha halkaas kula hadli doonaa Ciidamadaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  kulamo gaar gaar ah la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalaadaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa waqti la qaadan doona Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha ee Xasuuqii Al Shabaab ay ka geysteen Soobe.

Ciidankan ayaa hawlo kooxaha argagixisada ah looga sifeynayo ka wada qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose iyaga oo ka saaray magaalooyin badan oo ay Marka ugu horreeyso.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa kusoo aadiyey 14 October oo ku beegan Maalintii Musiibada ka dhacday Isgoyska Soobe kadib  markii hal qarax lagu dilay 600 qof oo Soomali ah oo aan waxba galabsan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha la soco