Geelle oo war kasoo saaray geerida Injineer Yariisow

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay geerida ku timid guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana duqii magaalada Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan (Yariisow) oo shalay ku dhintay isbitaal ku yaalla dalka Qatar.

Ugu horreyn madaxweyne Geelle ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Yariisow.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid guddoomiyihii gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa dowladda federaalka oo uu u horreeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska maxaweyne Geelle.

“Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay garabkiinna, dowladda iyo shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Cabdiraxmaan Yariisow ku tilmaamay in uu ahaa guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac todobaadkii hore ka soo gaaray weerar lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
caasimada@live.com