Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo sharci darro ku tilmaamay guddigii uu soo magacaabay Saciid Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Csmaan (Karaash) ayaa si adag uga horyimid magacaabistii guddiga doorashada ee kumeel-gaarka ah ee uu sameeyey madaxweyne Deni.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaa cuskadey qodobo ka mid ah dastuurka Puntland, kuwaaas oo kala ah qodobada 80, 5, 81, 2, iyo lifaaqa dastuurka, waxaan uu sharci darro ku tilmaamey magacaabista guddiga.

Ugu horeyn wuxuu sheegay in aan Madaxweynaha Puntland kala tashan magacaabista guddiga sida ku cad xeerka ayuu yiri, sidaas darteed maadaama aanu wax wadatashi ah igala sameyn waxa magacaabistaasi ka hor imaaneysa dastuurka, ayuu yiri Axmed Cilmi Cismaan.

Axmed Karaash ayaa sheegay in magacaabista guddigan ay ka imaaneyso lifaaqa kowaad ee Dastuurka oo tilmaamaya tirada xubnaha iyo sida loo soo kala magacaabayo, taasooo caddeyneysa inaanu xaq u lahayn Madaxweynaha keligiis magacaabista 9 xubnood.

Axmed Karaash ayaa qoraalkiisa ku soo geba-gebeeyey in xeerka Madaxweynuhu ku magacaabey yahy waxba kama jiraan khilaafsan dastuurka Puntland iyo lifaaqa kowaad.

Guddiga doorashada kumeel gaarka ah ayaa ka kooban 9 xubnood afar kamid ah waxaa soo magacaaba Baarlamaanka halka shanta xubnood oo kale uu soo magacaabo Madaxweynuhu maalintii Sabtida ayaa Madaxweynhu ku dhawaaqey shantiisi xubnood.

Muddo dheer waxaa soo baxaayey warar sheegaya in uu jiro khilaaf u dhexeeya labada masuul kaas oo ku saabsan shaqada iyo kala lahaanshaheeda. Dhibaatada u weyn ayaa ah in labadoodu aan isku tigidh lagu dooran ee midkastaa goonidisa u tartamey, watey halku-dhigiisa iyo barnaamijkiisa, sidoo kale saldhigyada ay ka soo kala jeedaan ayaa saameyn ku yeesha wada shaqeyntooda.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu qaar kamid ah xubnaha guddiga uu diidan yahay oo doonaayey in la magacaabo xubno kale.

Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorshooyinka waxay u baahan yihiin in Baarlamaanku cod aqlabiyad ah ku ansixiyo, waxaana hubaal ah in Madaxweynaha Puntland u baahan yahay taageerada baarlamaanka.