Madaxweyne Waare oo mar kale isku shaandheyn ku sameyay golaha wasiirada

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle uu markale isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle.

Isku shaandheynta ayaa markale waxaa kusoo baxay xildhibaanadii ugu badnaa ee maamulka Hirshabeelle, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay aad u mucaaradsanaa madaxweyne Waare.

Waxaa muuqata inuu ku qancinayo xildhibaanada baarlamaanka ee ka aragti duwanaa, kuwaasi oo dhaliilsanaa hanaanka shaqo ee madaxweyne Waare.

Hoos ka akhriso isku shaandheynta wasiirada Hirshabeelle.