Xasan oo sheegay ‘arrin dhif iyo naadir ah’ oo ay tahay in looga daysado ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashada oo uu kala soo dabaashay caqabado hor leh.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay abaal uga hayso Ra’iisul Wasaare Rooble howsha uu qabtay oo aysan dan gaar ah ugu jirin, islamarkaana ay tahay in looga daydo tallaabadaas naf hurida ah ee dalka bad-baadisay.

“Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa leeyahay Allaha ajar iyo xasanaad ha ka siiyo, magac iyo karaamo ku muteyso doorasho ayuu sameeyay aysan dan ugu jirin oo isaga uu muraad ka laheyn, maanta waxa uu diyaar u yahay in muwaadin Soomaaliyeed inuu dadkiisa sharaf iyo karaamo ku dhex noolaado inuu noqdo,” ayuu yiri.

“Waa tusaale mudan in lagu daysado oo ah in madaxa lagu hayo dadkaas noocaas ah ee danta umadda Soomaaliyeed ay wadi karaan oo ayagu aan dan ka dhex laheyn waa in aan ogaano oo meel noogu qornaadan, cidkasta oo danta umadda usoo istaagta oo muujisa inaysan dan ka dhex laheyn waa in umadda ogaado oo meel lagu qorto.”

Waxa kale oo xusid mudan intii uu Rooble ku jiray howlaha doorashooyinka uu halis galay amnigiisa, hase yeeshe u dhabar adeygay marxalad iyo culeys kasta oo kusoo wajahay dhameystirka doorashada.

Si kastaba, Go’aankii uu qaatay Rooble iyo dadaalka uu galiyay in lasoo afmeero doorashada Soomaaliya ee daahday, isaga oo aan wax dan gaar ah ka laheyn ayaa ah tallaabo dhib iyo naadir ku ah in lagu arko siyaasadda Soomaaliya ee daneysiga ah, waana mid bogaadin mudan.