Qorshaha Xasan Sheekh oo gaaray Masar kadib safaradii Itoobiya iyo Jabuuti

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dalkaasi, iyadoo sidoo kale inta uu joogo Masar ka qeyb-gali doono shirar heer sare ah oo Afrikaan ah.

Xiriirka Muqdisho iyo Qaahira ayaa si weyn u xoogeysanayay sanadihii dambe, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga. Labada dal ayaa sare u qaaday iskaashiga militariga, waxaana saraakiil sare oo Masri ah ay dhowaan Muqdisho kula kulmeen madaxda Soomaaliya, kana wada-hadleen tababarrada, dhismaha awoodda ciidamada iyo taageerada xoogga dalka.

Socdaalkan ayaa imanaya xilli Arbacadii uu Madaxweynaha Soomaaliya safar shaqo ku tagay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaliya iyo Jabuuti, iyagoo si gaar ah u dul istaagay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha khuseeya nabadda, xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.

Si kastaba, booqashadan ayaa qayb ka ah safarrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay dalalka deriska ah, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo danaha dalkeenna iyo xasilloonida gobolka.

Safarrada Xasan Sheekh ee Itoobiya, Jabuuti iyo Masar ayaa kusoo aadaya xilli gobolka uu wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag, oo ay ka mid yihiin dagaallada dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya, colaadda Sudan iyo xiisadaha ka taagan Badda Cas.

- Advertisement -

Read more

Local News