Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Boqortooyada Midowday (UK) u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah iyo Afrika Kirsty McNeill, oo booqasho rasmi ah ku timid magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada UK, iyadoo labada dhinac ay si gaar ah u dul istaageen mudnaanta iyo danaha ay wadaagaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wasiirka uga warbixiyay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada dowladda ee ku aaddan horumarinta dalka, xoojinta hay’adaha dowladda, amniga, dowlad-dhiska iyo qorshayaasha lagu gaarsiinayo shacabka adeegyo horumarineed oo waara.
Wada-hadallada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray fursadaha lagu sii ballaarin karo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, gargaarka bani’aadannimo, adkeysiga bulshada, wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada iyo taageerada hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda UK taageerada ay Soomaaliya siiso, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga labada dal uu noqdo mid ku saleysan mudnaanta iyo baahiyaha Soomaaliya.
Dhanka kale, Wasiir Kirsty McNeill ayaa muujisay sida ay dowladda UK uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, iyadoo UK ay kamid tahay dalalka sida joogtada ah u taageera dadaallada Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, xasilloonida iyo gargaarka bani’aadannimo.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo UK ay wadaan dadaallo lagu sii adkeynayo iskaashigooda, iyadoo labada dal ay hore uga wada shaqeeyeen arrimo ay kamid yihiin amniga, horumarinta hay’adaha dowladda, taageerada bulshada nugul iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bani’aadannimo.
Booqashada McNeill ayaa sidoo kale ah mid muhiim u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga horumarineed ee labada dal, gaar ahaan xilli Soomaaliya ay xoogga saareyso in taageerada caalamiga ah loo beddelo iskaashi waara oo gacan ka geysta dhismaha dowlad awood leh iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.


