Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furaya Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb-galayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, khubaro iyo dhinacyo kale oo lagu casuumay munaasabadda.
Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay uga faa’iideysan lahayd kheyraadka badda, u horumarin lahayd dhaqaalaha buluugga ah, isla markaana ay u xoojin lahayd amniga xeebaha iyo marin-biyoodka dalka.
Ajendaha shirweynaha waxaa qeyb muhiim ah ka ah arrimaha la xiriira amniga badaha, sugidda isu socodka maraakiibta, horumarinta dekedaha iyo xeebaha, ka faa’iideysiga kheyraadka badda, iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dhaqaalaha badda.
Waxaa sidoo kale la filayaa in doodaha shirka lagu soo bandhigo qorshayaal lagu xoojinayo iskaashiga dowladda iyo hay’adaha kale ee ku lug leh ilaalinta iyo horumarinta kheyraadka badda, si kor loogu qaado ka faa’iideysiga fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo muhiimadda ay baddu u leedahay horumarka dalka, doorka ay ku leedahay kobaca dhaqaalaha qaranka iyo dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo waaxda badda.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa iftiimin doona fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga, gaadiidka badda, dekedaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira badda Soomaaliya.
Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu noqdo madal lagu soo bandhigo aragtiyo iyo qorshayaal cusub oo lagu horumarinayo dhaqaalaha buluugga ah, laguna xoojinayo amniga badaha iyo ka faa’iideysiga xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ee ay Soomaaliya leedahay.

