Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duhurnimadii maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isaga oo kusii jeeda dalka Tanzania.
Madaxweynaha ayaa ka qayb-galaya meertada 25-aad ee madaxda dalladda bulshada Bariga Afrika (EAC), oo berri ka dhacaya magaalada Arusha ee caasimadda Tanzania.
Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha ayaa waxaa ku jira wasiirro ka tirsan XFS, kuwaas oo lagu wado in ay kulamo gaar gaar ah la yeeshaan dhiggooda ka socda dalalka xubnaha ka ah ururka EAC.
Sidok kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Tanzania la kulmi doona madaxda sare ee dalkaas iyo hoggaamiyeyaasha kale ee ka qayb-galaya shirka, si ay uga wada-hadlaan xiriirka ka dhaxeeya dalalkooda iyo ajendaha shirka.
Safarkan ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka ay muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu xoojinayo matalaadda Soomaaliya ee dalalka xubnaha ka ah EAC, xilli dalka uu si rasmi ah ugu biiray ururkaasi sanadkii 2023.
Soomaaliya ayaa haatan dadaal ku bixinaysa inay ka faa’iideysato fursadaha dhaqaale iyo iskaashi ee ka dhex jira dalalka xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, isu-socodka iyo maalgashiga.
Si kastaba, ka mid ahaanshaha Soomaaliya ee ururka EAC ayaa loo arkaa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo is-dhexgalka gobolka, iyadoo dalka uu doonayo inuu door firfircoon ka qaato horumarka waara, shaqo-abuurka iyo sare u qaadista tayada nolosha ee bulshada Bariga Afrika.

