Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa loo qaaday isbitaal dibada ah, kadib markii xanuun uu soo wajahay madaxweynaha dalka.
Xogta aan helayno ayaa sheegaya in madaxweynaha uu dalkaasi ku sugnaan doono muddo 10 maalin ah iyadoo la hubinayo xaaladiisa caafimaad mudda uu dalkasi ku sugan yahay.
Qorsha ayaa ahaa in maanta madaxweynaha uu soo xiro fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya maadaama xildhibaanada ay galayaan fasaxoodii caadiga ahaa.
Xog ay heshay Caasimada Online ayna u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in madaxweynaha loo qaaday dalka Germany waxaana halkaasi loogu soo sameyn doonaa baaritaan caafimaad.
Laakiin xaflad xalay xildhibaanada loo sameeyay ayuu ka sheegay inuusan ka qeyb gali karin maadaama uu u duulayo dalka Germany, sida caafimaadkiisa looso hubiyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

