26.9 C
Mogadishu
Sunday, November 2, 2025

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo HirShabeelle ma ka duwan yuhiin agaasimayaasha wasaaradaha DF?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeele oo lagu aas aasay ama lagu dhisay khilaaf u dhaxeeya dawladda DFS iyo qaar ka mid ah duubabka iyo siyaasiyiinta beelaha ee degaanka labada maamul ayaan madaxweyne yaashooda wax weyn  ka duwaneen  agaasimayaasha wasaaradaha DFS ee la magacaabo marka laga reebo lacagaha badan ee doorashada uga baxda.

Dowladda FS oo si toos ah u xukunta labadaas dowlad goboleed ee HSH iyo GM balse awooddeeda aysan weli gaarin 3da dowlad goboleed ee kale ayadoo Somaliland ayba ka duwaneen dowlad shisheeye marka laga hadlaayo faragelinta DFS ee Somaliland.

HIRSHABEELE Iyo GALMUDUG oo u badan ILMO XOOGSADE  ayaa waxaa horbooda wax garad iyo siyaaasiyiin Alifkey ka ah dhanka siyaasadda iyo danley an u nixin dadkooda iyo midda qaranka.

ILMO XOOGSADE oo aan lahayd hoggaamiye ama LEADERSHIP ay talo ka qaataan oo ay ku mideysan yihiin ayaa mar walba waxaa haysata dhibaato dhanka ammaanka iyo siyaasadda ayadoo intaas ay u raacsan tahay iska daba wareeg iyo luggooyo joogta ah oo dhexdooda ah taasoo kalifta in wixii la rabo laga sameysta.

Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ka maarmay siyaasadda DFS ayaa xor u ah in ay la kulmaan dowlad kasta oo ay rabaan ayaga oo an soo marin DFS, heshiisna la galaan ciddii ay doonaan taasoo ay ku gaareen midnimo iyo kala dambeyn dhex dooda ah ama kala adkaasho ku saleysan hoog sheegasho beelaha dhexdooda ah taasoo qasabta in la fuliyo amarka hoogaaniyahooda iyo ayagoo dhanka dhaqaalaha uga maaray DFS.

Dad badan ayaa aaminsan in ay ugu bixi karaan dhibaatada haysata GALMUDUG IYO HIRSHABEELE xaaladda murugsan ee dhanka siyaasadda ee ay ku jiraan arrimaha soo socda:

1- In ay isu dhiibaan DFS ayna u dhaqmin sida Puntand iyo qaar kale oo ka maarmay DFS.

2- In ay isku tashadaan oo xildhibaanada motion gaadka ah iyo madaxdooda oo kawada fikira danta guud ee dadka iyo deegaanka ay xukumaan si ay isula jaan qaadaan.

3- In ay ogaadaan in ay leeyihiin dakado, (bad iyo wabi), xoolo nool iyo dalag ka baxa deegaankooda kana soo saari karaan Canshuur ay ku maamulaan degaankooda.

4- Inay ogaadaan in aysan waxba soo kordhineyn khilaafka joogta ah maadaama dadka iyo deegaannadaasi ka dhexeysa dan guud.

5- In tanaasulka wax badan oo faa’ido ah u soo kordhin kara.

W/Q: Abdirahman Moalim (FAAX)

- Advertisement -

Read more

Local News