Magaalada Boosaaso oo bandow lagu soo rogay

Zahra Axmed GacalBy Zahra Axmed Gacal

Boosaaso (Caasimada Online) – Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa lagu soo rogay bandaw saarnaa doona 15-ka cisho ah ee soo socota, sida lagu xusay go’aan kasoo baxay Taliyaha guud ee booliska gobolka Bari, G/Sare Xuseen Cali Maxamuud.

Bandawgaas ayaa dhaqan gelaya 1-da bisha nasoo aadan ee Abriil saacadu markii ay tahay 6:00pm makhribnimo illaa 5:00am subaxnimo, taas oo ka dhigan in habeen dambe uu dhaqan gelayo go’aankan.

Bandowga ayaa socon doona mudo 15 cisho ah, waxaana dadka lagu amray in aysan guryahooda kasoo bixin inta u dhaxeysa saacadaha lagu xusay warqadda kasoo baxday taliska booliska gobolka Bari, iyadoo saraakiisha ciidamada ammaanka la faray in aysan celin gaadiidka wada adeegyada loogu tala galay cudurka Coronavirus.

Dhamaan isku socodka dadweynaha, gaadiidka, ganacsiga iyo wixii lamid ah, ayaan la ogoleyn inta u dhaxeysa saacadaha lagu xusay warqadda, iyadoo saraakiisha ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso la amray in si hufan ay u fuliyaan amarkan.

Markii laga soo tago in Boosaaso cabsida Coronavirus ay kala simantahay magaalooyinka kale ee gobollada dalka, waxay kaalimaha hore uga jirtaa magaalooyinka ugu ammaanka xun dalka, si gaar ah gobollada Puntland.

Ururrada Daacish iyo Al-Shabaab ayaa dusha u rita mas’uuliyadda dilal qor sheysan oo si joogto ah uga dhaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxayna bilihii lasoo dhaafay la daalaa dhaceysay amni darro baahsan, waxaana xusid mudan in hey’adaha amnigu ay si joogto ah u sheegtaan in howlgallo ay ka fuliyaan gudaha magaalada, kuwaas oo wax kasoo naasa cadaada aysan jirin.