Magaalo AL-SHABAAB laga saaray oo mar qura aroos lagu waashtay, Sabab?

Muqdisho (Caasimada online) Shariif Abuukar Axmed , Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Shalay markii degmadaasi ay gaareen  uu ka dhacay Aroos Gawaari Badan lagu Galbiyay.

Al-shabaab ayuu ku eedeyay inay hore Caburin ku hayeen  Shacabka degmadaasi, waxaana uu tilmaamay inay ku  Amartaakleyn jireen degmada hayeeshee iminka wixii ka dambeya aysan taasi dhici doonin.

Shabaab ayaa hore deegaamada ay maamulaan waxay uga mamnuceen in aroosyada lagu galbiyo wax ka badan hal ama laba gaari wax ka badan iyadoona cidii  lagu arkaa inay amarkaas ku xadgudubtay ay muteysanjirtay Ganaax lacageed iyo Ciqaab .

Shacabka Reer Mahadaay ayuu sheegay iminka inay u madaxbanaan yihin inay ku galbistaan aroosyadooda ilaa inta ay awoodaan isla-markaana aysan jirin cid wax ka weydiin karta sida uu sheegay .

Dadka degmada ayuu sheegay inay si hagaagsan inay usoo dhaweeyeen , waxaana uu tilmaamay inuu uga mahad celinayo sida geesinimada leh ee ay usoo dhaweeyeen.

Arimaha Bulshada iyo wax u qabashada bulshada reer Mahadaay ayuu sheegay in maamulkiisu ka shaqeyndoono  waxaana uu shaaciyay inuu wax badan ka badali doono xaalka degmada oo uu sheegay in mudadii shabaabku ay halkaasi kaarimin jireen ay hoos u dhegeen.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com