Magacyada hogaamiyayaal Al-Shabab ah iyo ganacsato laga xanibay hantidii u taalay bankiga dhexe ee Imaaraadka

Dubai (Caasimada Online) – Bankiga dhexe ee dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, ayaa xannibay hantida lacageed ee bankigaas u taalla 12 qof oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib, kuwaas lagu eedeeyey inay yihiin argagixiso.

Dadkaasi intooda badan waxa ay xubno ka yihiin kooxda Al-Shabab ee dhibaatada ka wadda Somalia.

War kasoo baxay bangiga ayaa waxaa lagu sheegay shaqsiyaadka Soomaalida ah ee xanibaadda la saaray ay qaarkood  haystaan baasabooro dalal kale, halka xubno kalena ay yihiin ajaanib caawisa Al-Shabab.

Dadka hantidooda la xanibay ee ku qoran liiska uu soo saaray bankiga dhexe ee Imaaraadka, ayaa kala ah:-

1 – Axmed Cabdi Godane oo ah hogaamiyaha Al-Shabab

2 – Sh, Fu’aad Max’amd Khalaf Shobgole

3 – Xasan C/llaahi Xirsi oo Xasan Turki loo yaqaan

4 – Sh, Xasan Daahir Aweys oo dhawaan Al-Shabab kasoo baxday haatana gacanta dawlada Soomaaliya ku jira

5 – Nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Saciid

6 – Bashiir Maxamed Maxamuud

7 – Xasan Mahad Cumar oo la sheegay inuu haysto baasaboor Ethiopian ah

8 – Nin magaciisa lagu sheegay Yaasiin Cali Baynax oo asna haysta dhlashada dalka Sweden

9 – Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale, milkiilaha shirkadda Hormuud ama Ex Al-Barakaat. Axmed kama tirsan Al-Shabab, balse waxaa lagu tuhmayaa argagixisanimo

10 – Cumar Xamaami oo sidoo kalena loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriki

11 – Cabuud Roogo oo horey Kenya loogu dilay

12 – Abuu Bakar Shariif

Bankiga dhexe ee Imaaraadka ayaa sheegay inuu go’aankaan qaatay, isaga oo fulinaya go’aan kasoo baxay golaha amaanka ee QM oo tirsigiisu ahaa 1844 (2008) kasoo dhigayay in la xanibo hantida shaqsiyaadka iyo shirkadaha loo arko inay taageeraan Argagixisada.

Shalay ayay ahayd un markii Dowladda Somalia ay ka codsatay golaha ammaanka ee QM in xayiraadda laga qaado ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ay sheegtay inuusan wax xiriir ah la lahayn argagixisada.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
Caasimada@live.com