Magacyada Soomaalida ku dhimatay weerarkii lagu qaaday masjidka Al-Nuur

Wellington (Caasimada Online) – Inkastoo wali aan la shaacin tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday toogashada ka dhacday Masjid ku yaala xaafadda Christchurch ee New Zealand, ayaa haddana waxaa la helayaa warbixin hordhac ah oo weerarka la xiriirta.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in seddex ruux oo Somaali ah ay qeyb ka ahaayeen dadka ku dhintay weerarka, waxaana jirta dad kale oo dhaawacyo ay kasoo  gaareen weerarka Masjidka Al Nuur.

Dadka waxyeelada ay gaartay waxaa kamid ah Macalin Dugsi oo ku yaala xaafadda weerarka uu ka dhacay, waxaana magaciisa lagu sheegay Sheikh Muuse Nuur Cawaale oo muddo ku sugnaa dalkaasi.

Waxaa sidoo kale dadka Waxyeelada soo gaartay kamid ah ruux magaciisa lagu koobay Sheikh C/qaadir, oo ka tirsanaa Shaqaalihii wakaaladii Biyaha Soomaalida, sida ehelada qaar laga soo xigtay.

Dadka sidoo kale ku dhintay weerarka waxaa ku jira Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ahaa wiil lixsano jir ah, waxaana ku dhaawacmay aabihii Aadan Diiriye oo isku meel ay ku dukanayeen Salaada Jimce.

Dowladda New Zealand wali ma aysan shaacin dadka ku dhintay kuna dhaawacmay weerarka, waxaana la sheegayaa in ku dhawaad 200 ruux inay Masaajidka ku dukanayeen.

Ruuxa weerarka geystay ayaa LIve soo galay ka hor toogashada, waxaana uu u dhashay dalka Australia, sida wararka hordhaca ay lagu helayo.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com