Magacyada xubnaha DFS iyo dadka caanka ah ee laga soo badbaadiyay weerarkii HOTEL SAXAFI!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay dhismaha hotel Saxafi oo saaka Alshabaab weerar qasaaro geystay ku qaadeen.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay xubno weyn looga yaqaanay siyaasada iyo ganacsiga oo kala ahaa xildhibaan Abtidoon, General Dhagabadan iyo ganacsade Cabdi rashiid Ilqeyte.

Ciidamada oo amaanla la wareegay ayaa soo badbaadiyay xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo deganaa dhismaha hotelka.

Waxaa weerarkaasi laga soo badbaadiyay xildhibaanada kala ah Maxamad C/yuusuf, Xildhibaan Sandheere, Xildhibaanad Suuri, Xildhibaan Sacdiyo, Xildhibaan Qaloocoow, iyo Culumaaudiin uu ka mid yahay Sh Nuur Baaruud Gurxan.

Xaalada ayaa iminka ah mid degen waxaana goobta laga soo saaray dhamaan dadkii ku dhaawacmay weerarkii maanta oo Alshabaab ay sheegteen masuuliyadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com