Mahad Salaad oo shaaciyey saddex arrin oo uu Mursal u sheegay xildhibaanno

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka wakhtigiisa dhamaaday ayaa sheegay in gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu qorshe uu watay u sheegay xildhibaano u tegay.

Mahad Salaad, oo ka mid ahaa xildhibaanadii Baarlamaanka ee maanta xaadiray kulankii baaqday ee buuqa uu hareeyay, ayaa bartiisa Facebook kusoo daabacay in Maxamed Mursal uu saddex arrin la wadaagay qaar ka mid ah xildhibaanada u tagay, inta uusan soo galin xarunta golaha shacabka.

Mahad Salaad wuxuu sidoo kale ku baaqay in hurdada laga kaco, isla markaana Farmaajo yahay balaayo hagoogan sida uu hadalka u dhigay.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD:

Gudi Xildhibaano ah oo u tagay Gudoomiye Mursal maanta intii uusan soo gelin hoolka shirarka Golaha Shacabka wuxuu u sheegay:

1. Heshiiskii 17 September in uu fashilmay!

2. Muddo kordhin inuu u samaynayo Barlamaanka iyo Farmaajo!

3. Ciidamada xarunta Golaha Shacabka la keenay in uu isagu dalbaday, lana soo badinayo.

Waxaa xaqiiqo ah in maanta cid waliba u cadahay meesha loo socdo. Hurdada halaga kaco ayaan idin leeyahay Farmaajo waa balaayo inoo hagoogane!