Mahdi Abu-Yaasin: Somali-Russian-kii Daacish ahaa oo Muqdisho ku geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee Soomaaliya oo Muqdisho ku qaadanyey 15 sano oo xabsi ah ayaa xabsiga ku dhex geeriyooday xalay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Mahdi Maxamuud Cabdi Abuu Yaasiin uu geeriyooday kadib markii uu xanuun deg deg ah kusoo booday xalay. Illaa iyo hadda faah-faahin dheeri ah lagama bixin xanuunkaas.

Mahdi oo ah Soomaali sidoo kale haystay dhalashada dalka Ruushka, ayaa 2-dii August 2018 lagu helay dambi ah inuu xubin ka yahay Daacish, islamarkaana Baycadiisa siiyey hoggoomiyihii Daacish ee la dilay Abu Bakar Al-Baghdadi, si uu Soomaaliya uga aas-aaso garab ka tirsan Daacish.

Mahdi ayaa naaneys ahaan ula baxay magaca Abu Yaasiin, waxaana Yaasiin la yiraahdaa wiil ay u dhashay xaas Russian ah oo uu qabay oo lagu magacaabo Church Nia.

Abu Yaasiin ayaa qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, oo uu kala soo dagaalamay kooxda Daacish.

Mahdi Abu Yaasiin ayaa xilligii la qabtay ku mashquulsanaa aas-aasidda garab Daacish ah, oo  oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uuna xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sarreeya Daacishta Soomaaliya, Cabduqaadir Muumin.