Macawiisleyda oo weerar ku qaaday saldhig boolis

Buula Burde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay weerar culus kusoo qaadeyn saldhigga Magaalada.

Saldhigga ayaa wuxuu dagaal ku dhex maray maleeshiyadii weerarka soo qaaday iyo ciidamada Booliska ee ku sugnaa Saldhigga, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn maadaama waqtiga uu weerarka dhacay aheyd xilli habeen ah.

Maleeshiyada weerarka soo qaaday oo la sheegay inay ahaayeen kuwa macawiisleyda ayaa la sheegay inay isku dayeen in xabsiga kasoo furtaan mid kamid ah ciidamadooda oo halkaas lagu xiray.

Ciidamada Booliska ee saldhigga ku sugnaa ayaa la sheegay inay iska caabiyeen maleeshiyadii soo weerartay, waxaana fashilmay qorshihii lagu soo furan rabay askariga ku xiran saldhigga ee ka tirsan Maleeshiyada Macawiisleyda.

Magaalada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa laga dareemayaa khilaafka u dhaxeeyo macamiilseyda iyo Booliska, waxaana laga cabsi qabaa in magaalada ay martgeliso dagaal dhex maro labada dhinac.

Waxaa jiro warar kale oo sheegaya in maleeshiyada weerarka soo qaaday ay la socdeyn ciidamo ka amar qaata Guddoomiyaha Degmada Buula Burde, inkastoo aan weli xaqiiq dhab ah loo helin.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin weerarkii culsaa ee xalay lagu soo qaaday saldhigga degmada Buula Burde.

Ciidamada Macawiisleyda ayaa aad ugu xooggan qeybo kamid ah deegaanada Maamulka Hirshabelle, waxayna dhowr jeer dagaal la galeyn Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda, waxaana ugu dambeysay dagaalkii ay ku qaadeyn ciidamada Booliska Haramcad ee ku sugan Magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaas.