Maleeshiyada Al-Shabaab oo afduubtay shaqaale ka tirsan hay’adda Bisha Cas

Afgooye (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay afduub u geysteen shaqaale ka tirsan Hay’adda Bisha Cas.

Maleeshiyada ayaa shaqaalahaani ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ka afduubtay inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Awdiinle oo ka wada tirsan gobolka Baay.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacma, oo ka hadlay arrinta afduubkan ayaa sheegay inay afduubka geysteen rag ka tirsanaa Al-Shabaab isla markaana aysan geysan Karin kooxo kale.

Wuxuu sheegay in deegaanka uu ka dhacay afduubka oo ah Tuulada Busleey oo dhawr iyo 20-KM ujirta magaalada Baydhabo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Shaqaalaha samafal ee la afduubtay ay la socdeen gaari NOAH ah kuwaasi oo tiro ahaan gaarayey Shan shaqaale.

Waxa uu sheegay in shaqaalaha la afduubtay ay Saddex ka mid ah yihiin Dumar, halka labada kalena ay ahayen Rag, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaa raaciyay in Shaqaalaha afduubka lagula kacay ay kusii jeedeen degaanka Awdiinle oo qiyaastii 30-KM ujira magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ugu socdeen hawlo shaqo.

Dhinaca kale, Maleeshiyada oo dusha kala socday dhaqdhaqaaqa shaqaalaha ayaa gacanta ku dhigay xili ay marayeen meel aanu ku sugneen ciidamada maamulka iyo kuwa dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
Caasimada@live.com

- Sponsored Ads -