Baydhaba (Caasimada Online) – Maleeshiyada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa iska fogeeyay eedeymo la xiriirinaya Al-Shabaab, kadib dagaal culus oo Isniintii ka dhacay magaalada Baydhaba.
Dagaalka ayaa aroornimadii hore ka qarxay qeybo ka mid ah Baydhaba, kadib markii maleeshiyo taageersan Laftagareen ay gudaha u galeen magaalada, halkaas oo ay iska hor yimaadeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka cusub ee Koonfur Galbeed.
Dagaalka ayaa socday saacado, wuxuuna ahaa kii ugu xoogga badnaa ee magaalada ka dhaca tan iyo bishii Maarso. Ciidamada dowladda federaalka ayaa markii dambe dib uga riixay magaalada xoogaggii weerarka soo qaaday. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay jireen dhimasho soo gaartay dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid ah.
Afhayeen u hadlay maleeshiyada weerarka qaaday, oo isku magacaaba Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa si adag u diiday in ciidamadooda wax xiriir ah la leeyihiin Al-Shabaab.
“Annaga Shabaab nalama dhaho. Dowladda Shabaab iyada ayaa taqaanna ee ha raadiso. Annaga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa nala dhahaa,” ayuu Ugaas Xasan Cabdi Maxamed u sheegay BBC-da.
“Waxay Shabaab geystaan mas’uuliyaddooda nalama weydiinayo, Shabaabna ma nihin,” ayuu raaciyay.
Hadalkan ayaa yimid iyadoo dowladda federaalka ay sheegtay in ciidamada ku sugan Baydhaba lagu weeraray ka hor waaberigii, iyadoo maleeshiyada adeegsadeen gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ku dhowaad 30 ka mid ah weeraryahannada lagu dilay dagaalka, halka qaar kalena gacanta lagu dhigay.
Laba weerar oo isku waqti dhacay
Dood gaar ah ayaa ka dhalatay isku soo beegmidda dagaalka ay ciidamada Laftagareen ku qaadeen Baydhaba iyo weerar isla aroornimadaas lala xiriiriyay Al-Shabaab.
Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada su’aalo ka keenay sida labada dhacdo ay isku waqti ugu beegmeen, iyadoo sidoo kale dhinaca dowladda laga soo jeediyay eedeymo ku saabsan xiriir ama iskaashi suuragal ah.
Ugaas Xasan ayaa taas gebi ahaanba beeniyay.
“Annagu kama warqabno taa iyada ah. Annaga iyo Shabaab xiriir nagama dhexeeyo, mana naga dhexeyn karo,” ayuu yiri markii BBC-du weydiisay in ciidamadoodu wax xog ah ka hayeen qorshaha Al-Shabaab.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda federaalka, markii ay bishii Maarso u soo dhaqaaqayeen Baydhaba, ay soo mareen deegaanno ay Al-Shabaab joogaan, isaga oo arrintaas u soo qaatay jawaab uu kaga difaacayo eedeymaha loo jeediyay ciidamadiisa.
Ciidamada taageersan Laftagareen ayaa xilligaas iyaguna sheegay in Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen qaar ka mid ah ciidamadooda intii ay u socdeen Baydhaba, ka hor inta aanu maamulka Laftagareen magaalada ka bixin.
Ugaas Xasan ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay “calooshood u shaqeystayaal” adeegsaneyso, islamarkaana ay xoog ku qabsatay maamulkii Koonfur Galbeed.
“Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed ayaa saaka arooryadii hore Baydhaba dagaal ku qaaday. Dagaalku muddooyinkanba waa socday oo kii koowaad ma aha, wuuna sii soconayaa,” ayuu yiri.
Khilaafkii Maarso oo aan xal helin
Dagaalka Isniinta wuxuu qeyb ka yahay xiisad soo jiitamaysay tan iyo 30-kii Maarso, markaas oo ciidamada dowladda federaalka ay la wareegeen Baydhaba kadib khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanayay oo u dhexeeyay Muqdisho iyo maamulkii Laftagareen.
Laftagareen ayaa xilka iska casilay markii ciidamada federaalka ay magaalada la wareegeen, maalmo kadib markii dib loogu doortay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed. Maamulkiisu wuxuu ka horreeyay inuu xiriirka u jaro dowladda federaalka, isagoo kasoo horjeeday isbeddellada dastuurka iyo habka loo wajahayo doorashooyinka dalka.
Tan iyo xilligaas, ma jirin wadahadal siyaasadeed oo la shaaciyay oo dhexmaray Laftagareen iyo dowladda federaalka oo lagu xallinayo khilaafka, halka ciidamo isaga taageersan ay dhowr jeer isku dayeen inay weerarro ka geystaan gudaha iyo duleedka Baydhaba.
Dagaalkii Isniinta ayaa ahaa isku daygii ugu weynaa ee kooxahaas ay ku galaan gudaha magaalada tan iyo markii Laftagareen awoodda laga tuuray.
Ciidamadiisa ayaa saacadihii hore sheegay inay gaareen bartamaha Baydhaba, balse markii dambe ciidamada dowladda ayaa dibadda uga saaray.
Markii la weydiiyay in khilaafka lagu xallin karo wadahadal, Ugaas Xasan wuxuu muujiyay in mowqifka ciidamadiisu aanu hadda u jihaysneyn wadaxaajood.
“Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisu waxay diideen midnimadayada, inaan si sharci ah isu maamulno oo dadkeennu ay is doortaan oo iyagu aayahooda ka tashadaan. Annaguna waan diidnay wixii ay iyagu keeneen, waan la dagaallameynaa, waanan iska saareynaa, Ilaahay idankiis,” ayuu yiri.

