Mareykanka iyo UK oo wada qorshe la xiriira Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Britain ayaa qorsheynaya dadaal diblomaasiyadeed oo cusub oo lagu doonayo in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya la isugu keeno wada-hadallo kama dambeys ah oo looga gaarayo heshiis siyaasadeed oo dhameystiran oo ku saabsan doorashooyinka dalka, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Kulanka la qorsheynayo ayaa la filayaa inay ka qeyb-galaan madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland, hoggaamiyeyaasha sare ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Muqdisho, iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in qorshahan loo arko dadaalkii ugu dambeeyey ee lagu jebin lahaa ismari-waaga siyaasadeed ee muddo bilo ah ka taagnaa arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo qaabka loo wajahayo marxaladda siyaasadeed ee soo socota.

Hase yeeshee, ilaha ayaa ka digay in rajada laga qabo in kulankaasi keeno heshiis weyn ay weli hooseyso, sababo la xiriira kala fogaanshaha mowqifyada dowladda federaalka, maamul-goboleedyada qaarkood iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaysa qorshaheeda doorasho qof iyo cod ah, halka Puntland, Jubaland iyo inta badan mucaaradka ay ku baaqayaan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay ka hor inta aan la hirgelin hannaan doorasho oo cusub.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in dowladaha reer Galbeedka ay toddobaadyadii dambe kordhiyeen dadaallada lagu raadinayo xal laga gaaro arrimaha doorashada.

Diblomaasiyiinta ayaa ka digay in sii socoshada khilaafaadka siyaasadeed ay wiiqi karto horumarrada laga sameeyey dhismaha hay’adaha dowladda, dib-u-habeynta maamulka, tayeynta ciidamada ammaanka iyo taageerada dhaqaale iyo siyaasadeed ee Soomaaliya ka hesho saaxiibadeeda caalamka.

Mucaaradka oo waraaq diray

Dadaalladan ayaa imanaya ayada oo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay warqad furan u direen dowladaha Afrikaanka ah ee ciidamada ku biiriyey howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM.

Mucaaradka ayaa dalalkaasi ugu baaqay inay mudnaanta siiyaan heshiis siyaasadeed oo dhameystiran ka hor inta aan la sii dardargelin qorshaha ay ciidamada Soomaaliya kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Warqadda ayaa lagu soo jeediyay in la sameeyo “Gole ku-meel gaar ah oo loo dhan yahay”, kaas oo maamula geeddi-socodka dastuurka iyo doorashooyinka ilaa laga soo dhisayo hay’ado qaran oo sharciyad lagu wada qanacsan yahay.

Waxay sheegeen in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay uu muhiim u yahay qabashada doorashooyin qaran oo lagu wada qanacsan yahay, isla markaana lagu soo afjaro waxa ay ku tilmaameen “firaaq dastuuri ah” iyo hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Mucaaradka ayaa sidoo kale ka digay in ciidamada ammaanka iyo taageerada caalamiga ah loo adeegsado xoojinta hal dhinac oo siyaasadeed, iyagoo ku baaqay in howlgalka AUSSOM iyo dowladaha taageera Soomaaliya ay dhexdhexaad ka noqdaan khilaafka siyaasadeed.

Warqadda ayaa carro ka dhex-abuurtay shacabka Soomaaliyeed. Dad badan ayaa fahmay in mucaaradku doonayo in meesha laga saaro hay’adaha dowladda ee hadda jira, laguna beddelo gole aan la dooran, inkasta oo warqaddu aanay si cad u sheegin in la kala dirayo madaxtooyada, baarlamaanka ama xukuumadda.

Mucaaradka oo is khilaafay

Hase yeeshee, warqadda ayaa muujisay kala aragti duwanaansho ka dhex jira kooxaha ku mideysan mucaaradka.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow, oo ka tirsan Isbahaysiga Haybad Qaran iyo Xaqsoor, kana mid ah isbahaysiyada ku jira Golaha Mustaqbalka, ayaa sheegay inuu la yaabay qoraalka lagu dalbaday gole ku-meelgaar ah.

“Haddii qoraalkaasi sax yahay, waa wax aad looga xumaado inay maanta jiraan dad mustaqbal ka leh hoggaaminta dalka oo doonaya in Soomaaliya dib loogu celiyo ku-meelgaarnimo,” ayuu yiri Islow.

Waxa uu sheegay in xal loo baahan yahay laga gaaro madaxweyne muddo-xileedkiisa dhammaaday iyo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, balse aan hay’adaha dowladeed lagu beddeli karin gole ay soo xuleen shaqsiyaad aan sharciyad haysan.

“Shaqsi ahaan waxaan qabaa inaan cidna lagu metelin taladan oo kasoo horjeedda danta, dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, oo isna ka tirsan isla isbahaysiga, ayaa si la mid ah uga digay in dib loogu noqdo nidaam ku-meelgaar ah.

“Dowladnimadu ma aha wax si sahlan loo dayici karo,” ayuu yiri Thaabit, isaga oo sheegay in wiiqidda sharciyadda hay’adaha hadda jira iyo dhismaha gole cusub ay Soomaaliya dib u celin karto 15 sano.

Thaabit ayaa ku dooday in xalka ugu dhow uu yahay in lala xaajoodo madaxda muddo-xileedkooda lagu muransan yahay, labada dhinacna ay sameeyaan tanaasul siyaasadeed.

“Khilaafaadka siyaasadeed waa la xallin karaa haddii la hormariyo wada-hadal iyo is-afgarad, maadaama gobonnimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya ay ka weyn yihiin khilaafka siyaasadeed ee dhexdeenna ah,” ayuu yiri.

- Advertisement -

Read more

Local News