Mareykanka oo beeniyey arrimo la isla dhex-marayo kadib kulankii Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – La-taliye sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in Mareykanku uu ka shaqeynayo dhismaha isbaheysi ka dhan ah Itoobiya oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto.

Massad Boulos, oo ah la-taliyaha sare ee madaxweynaha Mareykanka ee arrimaha Carabta iyo Afrika, ayaa sheegay in warar “been abuur ah oo marin-habaabinaya” si khaldan loogu fasiray dadaallada diblomaasiyadeed ee Washington ka waddo gobolka.

“Warar been ah oo marin-habaabinaya ayaa diblomaasiyadda Mareykanka ee Geeska Afrika ku tilmaamay isku day lagu kasbanayo isbaheysi ka dhan ah Itoobiya,” ayuu Boulos ku yiri qoraal uu ku baahiyay barta X.

“Aragtidaas waa mid aan sax ahayn, isla markaana si aan loo baahneyn u hurineysa xiisadaha gobolka,” ayuu sii raaciyay.

Boulos ayaa carrabka ku adkeeyay in Mareykanku uu la shaqeeyo Itoobiya iyo dhammaan dalalka Geeska Afrika iyo kuwa ku teedsan Badda Cas, si loo hormariyo danaha wadajirka ah ee nabadda, amniga iyo horumarka.

Hadalkiisa ayaa u muuqday jawaab toos ah oo ku socota warbixin ay daabacday majaladda The Africa Report, taas oo cinwaan looga dhigay in Massad Boulos uu taageero ka raadinayo isbaheysi ay Masar hoggaamineyso oo ka dhan ah Itoobiya.

Warbixintaas ayaa ku doodday in Geeska Afrika uu u sii kala qeybsamayo laba garab, kuwaas oo kala ah Masar, Soomaaliya iyo Eritrea oo dhinac ah, halka dhinaca kale ay xiriir sii yeelanayaan Itoobiya, Somaliland iyo Israel.

Kulamadii Qaahira

Boulos ayaa 19-kii July magaalada Qaahira uga qeyb-galay wada-hadallo heer sare ah oo uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali iyo dhiggiisa Eritrea Osman Saleh.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in wada-hadalladu ay qeyb ka ahaayeen dadaallada lagu taageerayo nabadda, amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Mas’uuliyiinta ayaa yeeshay kulamo gaar-gaar ah iyo wada-tashiyo ballaaran, hase yeeshee war-saxaafadeedyadii la soo saaray laguma shaacin isbaheysi rasmi ah, heshiis milatari ama qorshe amni oo wadajir ah.

Kadib kulankii uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Boulos ayaa sheegay inay ka wada-hadleen arrimo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, iskaashiga labada dal, xaaladda gobolka iyo wada-hadallada siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.

Kulamadii uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Eritrea ayaa iyaguna diiradda lagu saaray ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha gobolka iyo arrimaha amniga.

Boulos ayaa sheegay in labada dhinac ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in si wax-ku-ool ah looga wada shaqeeyo xalinta colaadaha gobolka iyo horumarinta nabadda iyo barwaaqada Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Si kastaba, qaar ka mid ah hadalladii kasoo baxay kulamada Qaahira ayaa sii xoojiyay hadal-heynta la xiriirta Itoobiya.

Masar iyo Eritrea ayaa sheegay in mas’uuliyadda amniga iyo maamulka Badda Cas ay si gaar ah u saaran tahay dalalka ku teedsan biyahaas.

Labada dal ayaa sidoo kale diiday isku-day kasta oo ay dowlado aan xeeb ku lahayn Badda Cas ku raadinayaan door amni ama marin-badeed ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah.

Inkastoo aysan si toos ah Itoobiya u magacaabin, haddana hadalladaas ayaa loo fasiray inay ku wajahan yihiin ololaha Addis Ababa ay ku dooneyso marin-badeed joogto ah, maadaama Itoobiya ay tahay dal aan bad lahayn.

Khilaafka marin-badeedka

Arrinta marin-badeedka Itoobiya ayaa noqotay mid ka mid ah khilaafaadka ugu xasaasisan ee ka jira Geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya ay bishii Janaayo 2024 la saxiixatay maamulka Somaliland, kaas oo Addis Ababa loogu oggolaan lahaa inay isticmaasho qeyb ka mid ah xeebaha Soomaaliya, isla markaana laga yaabo inay ka sameysato saldhig ciidan oo badeed.

Somaliland ayaa sheegtay in heshiiskaas uu sidoo kale horseedi lahaa in Itoobiya ay aqoonsato madax-bannaanida ay sheegato, hase yeeshee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaantay sharci-darro iyo xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa markii dambe saxiixay Baaqa Ankara oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Turkiga. Heshiiskaas ayaa labada dhinac ku ballanqaadeen inay ixtiraamayaan madax-bannaanida midba midka kale, isla markaana laga wada-hadlo sidii Itoobiya ay marin ganacsi uga heli lahayd badda iyadoo loo marayo awoodda iyo sharciga dowladda Soomaaliya.

Baaqa Ankara ayaa dejiyay xiisaddii degdegga ahayd ee labada dal, balse ma uusan soo afjarin walaaca gobolka ee ku saabsan damaca Itoobiya ee marin-badeedka.

Xiriirka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya la leedahay Masar iyo Eritrea ayaa sidoo kale walaac ka abuuray Addis Ababa.

Masar iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku hayay Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya ka dhistay webiga Nile-ka Buluugga ah, halka xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu xumaaday kadib iskaashigii ku-meel-gaarka ahaa ee labada dal intii uu socday dagaalkii Tigray.

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa bishii October 2024 ku kulmay magaalada Asmara, iyagoo ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo ay hoggaaminayaan wasiirrada arrimaha dibadda.

War-murtiyeedkii kulankaas ayaa xoogga lagu saaray ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya, xoojinta hay’adaha amniga dalka iyo iskaashiga dowladaha ku teedsan Badda Cas.

Diidmada Mareykanka  

Washington ayaa dhanka kale sii waday xiriirka ay la leedahay Itoobiya, xilli Boulos uu ballaarinayay wada-hadallada Mareykanka uu la leeyahay Qaahira, Muqdisho iyo Asmara.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ayaa Arbacadii sheegay in Washington ay dooneyso in shirkadaha Mareykanka ay ka qeyb qaataan mashruuca garoonka diyaaradaha Bishoftu ee Ethiopian Airlines, kaas oo ku kacaya 12.5 bilyan oo dollar.

Mareykanka ayaa sidoo kale muujiyay inuu doonayo xiriir ganacsi oo dhow oo uu la yeesho qeybta teknoolajiyadda Itoobiya.

Dhaqdhaqaaqyadaas ganacsi ayaa xoojinaya doodda Washington ee ah in xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, Masar iyo Eritrea uusan ka dhigneyn cadaawad ama siyaasad ka dhan ah Itoobiya.

Boulos ayaa ku adkeystay in diblomaasiyadda Mareykanka aysan ku dhisneyn sameynta garabyo iska soo horjeeda ama sii kala qeybinta dalalka gobolka.

“Xiriirka lala yeesho hal saaxiib oo gobolka ah ma ahan in si khaldan loogu fasirto cadaawad loo qabo dal kale,” ayuu yiri.

“Diblomaasiyadda Mareykanku ma ahan mid lagu abuurayo garabyo iska soo horjeeda ama lagu sii xoojinayo kala qeybsanaanta. Waxay ku saabsan tahay in si wax-ku-ool ah loola shaqeeyo dhammaan saaxiibada, si looga hortago colaadaha loona horumariyo nabad iyo amni waara.”

- Advertisement -

Read more

Local News