Mareykanka oo deg deg uga baxay saldhig ku yaal UK kadib markii la ogaaday in Iran ay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa si degdeg ah dhammaan 12-ka diyaaradood ee dagaalka ee B-1 uga saaray saldhigga RAF Fairford ee koonfurta Britain, kadib markii saraakiisha militariga ay heleen xog cusub oo ku saabsan qorshe weerar oo la tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay Iran.

Tallaabadan oo dhacday dhammaadkii toddobaadka ayaa ahayd mid aan caadi ahayn, maadaama Mareykanku uu si dhif ah diyaarado tiro intaas le’eg uga daadgureeyo saldhig ku yaalla waddan xulafo la ah oo kumannaan kiiloomitir u jira goobaha dagaalka.

Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa New York Times u sheegay in xaaladda loo arkay mid aad u degdeg badan, taasoo keentay in qaar ka mid ah diyaaradaha iyo shaqaalahooda ay duulaan xilli diyaaradaha shidaalka hawada ku bixiya weli loo diyaarinayey inay taageeraan safarkooda dib ugu laabanaya Mareykanka.

Ugu yaraan saddex ka mid ah diyaaradaha ayaa Axaddii gaaray saldhiggooda South Dakota, sida ay saraakiishu sheegeen.

Taliska Mareykanka ee Yurub ayaa xaqiijiyey in dhammaan diyaaradaha laga saaray Britain, balse wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo hanjabaadaha cusub ee sababay go’aanka.

“Waxaan hadda xaqiijin karnaa in dhammaan diyaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka ee lagu geeyey RAF Fairford dib loogu celinayo saldhigyadooda gudaha Mareykanka,” ayuu talisku ku yiri bayaan.

Wasaaradda Difaaca Britain ayaa iyaduna diiday inay ka hadasho dhaqdhaqaaqa hantida militariga Mareykanka.

Saraakiisha Mareykanka ma aysan shaacin nooca xogta cusub ee keentay in diyaaradaha sida degdegga ah looga saaro saldhigga, balse hal sarkaal ayaa sheegay in xogtu ay la xiriirto digniino soo baxay saddex toddobaad ka hor, iyadoo faahfaahinta iyo heerka degdegga ahi ay si weyn u kordheen 24-kii saac ee ugu dambeeyey.

Qaar ka mid ah B-1-yada la saaray ayaa saldhigga yimid toddobaadkii lasoo dhaafay oo keliya, iyagoo qayb ka ahaa wareeg caadi ah oo ciidamada Mareykanka ah.

Go’aanka ayaa yimid toddobaad kadib markii booliska Britain ay xireen shan nin oo lagu arkay baabuurro cadcad meel u dhow RAF Fairford, oo ka mid ah saldhigyada ay diyaaradaha Mareykanku u adeegsadeen hawlgallada dagaalka ka dhanka ah Iran.

Raggaas ayaa maalintii xigtay damiin lagu sii daayey kadib markii aan wax walxaha qarxa ah laga helin baabuurtooda, balse boolisku waxay sheegeen in baaritaankoodu weli socdo.

Khamiistii, booliska la-dagaallanka argagixisada Britain ayaa sidoo kale xiray nin haysta dhalashada Britain iyo Iran, kaas oo looga shakisan yahay diyaarinta falal argagixiso oo la xiriira baaritaanka RAF Fairford. Ninkaas ayaa markii dambe damiin lagu sii daayey iyadoo baaritaanku sii socdo.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Andy Burnham ayaa toddobaadkii hore sheegay in dowladda Britain ay hayso xog muujinaysa in Iran ay door ku lahayd qorshaha la tuhunsan yahay.

Saraakiil Mareykan iyo British ah ayaa sidoo kale baaraya suurtagalnimada in qorshuhu xiriir la leeyahay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, IRGC, ama xarun kale oo militari oo ku taal Tehran. Iran ayaa si adag u beenisay eedeymahaas.

Booliska Britain ayaa sheegay inay baarayaan dhammaan jihooyinka suurtagalka ah, oo ay ku jirto ku lug lahaanshaha dowlad shisheeye.

Xiisadda ku saabsan RAF Fairford ma ahan mid cusub. Bishii July, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa si cad uga digtay Britain inay Mareykanka u oggolaato inuu saldhiggaas u isticmaalo weerarro ka dhan ah Iran.

“Wax saldhig ah oo loo adeegsado weerarro lagu qaado dhulka Iran wuxuu bartilmaameed sharci ah u yahay ciidamadeenna,” ayaa lagu yiri digniinta Iran.

Bishii September, saraakiisha militariga Mareykanka ayaa sidoo kale helay digniino sirdoon oo Mareykan iyo reer Galbeed ah oo sheegayey in RAF Fairford uu halis ugu jiro weerar ay Iran taageerto.

Sida laga soo xigtay saraakiisha xogtaas lagu wargeliyey, hay’adaha sirdoonka ayaa sawir ka sameeyey qorshaha la tuhunsan yahay iyagoo adeegsanaya isgaarsiino la qabtay, xog ay bixiyeen ilo sirdoon iyo macluumaad kale.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa isna sheegay in sirdoonka dalkiisa uu Britain uga digay suurtagalnimada weerar ay Iran taageerto, inkastoo digniintaasi aysan magacaabin bartilmaameed gaar ah.

Qiimeynaha sirdoonka ayaa sidoo kale ka digay in haddii weerar dhaco ay suurtagal tahay in weerarro kale oo daba socda loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Digniinahaas ayaa sare u qaaday walaaca saldhigyada Mareykanka ee Yurub. Sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah, Israel ayaa Jarmalka uga digtay in saldhigyada Mareykanka ee Spangdahlem iyo Ramstein ay iyaguna wajahaan halis sare.

Ka saarista dhammaan B-1-yada RAF Fairford ayaa hadda muujineysa sida dhab ah ee Washington u qaadatay khatarta la tuhunsan yahay. Reuters iyo warbaahin kale ayaa Axaddii xaqiijiyey in diyaaradaha laga saaray saldhigga iyadoo baaritaanka Britain ee qorshaha argagixiso uu weli socdo.

Haddii la xaqiijiyo in Tehran ay ka dambeysay qorshe lagu weerarayo saldhig militari oo ku yaalla Britain, waxay noqon doontaa sare-u-kac weyn oo ku yimaada xiisadda Iran iyo dalalka reer Galbeedka, xilli dagaalka Iran iyo xulafada Mareykanka uu sii kordhiyey halista ka dhalan karta saldhigyada ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Yurub.

- Advertisement -

Read more

Local News