Mareykanka oo duqeyn uu ku dilay saraakiil Shabaab ahaa ka fuliyay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Mareykanka oo taageero ka helaya ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lala eegtay xubno ka tirsan Al Shabaab, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday dowladda Mareykanka.

Warbixin kasoo baxday Taliska AFRICOM oo ah taliska ciidamada Mareykanka ee Africa, ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka ARAARE ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo xubno ka tirsan Al Shabaab ay ku sugnaayeen.

Afar xubnood oo ka tirsan Al Shabaab kuna sugnaa  deegaanka duqeynta ka dhacday ayaa la sheegay inay dhinteen, sida lagu daabacay warbixinta kaso baxday Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) aya lagu xusay iney qiimaynayaan in weerarkaasi ay dad rayid ah ku dhinteen ama ku dhaawacmeen iyo in kale.

Duqeynta kadib ayaa ciidamada Al Shabaab waxaa la sheegay inay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ay doonayeen inay ku weeraraan ciidamo taageero ka hela dowladda Mareykanka oo gobolka ku sugan

Ma jiro wax khasaaro ah oo ka soo gaaray ciidamada Mareykanka howlgalkan oo ay hormuud ka ahaayeen Soomaalida sida bayaanka ku xusan.

Ugu dambeyn Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka shaqeyn doonaan difaacidda Muwaadiniinta Mareykanka ee kusugan Somalia iyo la dagaalanka Al Shabaab iyaga oo kaashanaya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com