Washington (Caasimada online) — Marjorie Taylor Greene, oo hore uga tirsanaan jirtay Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa sheegtay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ka wada hadlayo suurta-galnimada in hub nukliyeer ah loo adeegsado Iran, xilli Washington ay la tacaaleyso sidii ay u sii wadi lahayd dagaalka billaha badan socda.
“Waxay shirarka istaraatiijiyadda kaga hadlayaan in hub nukliyeer ah loo adeegsado Iran,” ayay Greene ku qortay baraha bulshada habeenkii Axadda.
“Ma qiyaasayo arrintan, waan ogahay. Waana shar saafi ah,” ayay raacisay.
Greene, oo mar ka mid ahayd xulafadii ugu dhoweyd Trump ee Kongareeska, ayaa shacabka Mareykanka ugu baaqday inay si adag uga hortagaan tallaabo kasta oo dagaalka lagu sii ballaarinayo.
“Dadku waa inay hadlaan oo si geesinimo leh u joojiyaan waallidan.”
Xiriirka Greene iyo Trump ayaa burburay kaddib markii ay ku cadaadisay maamulka in la shaaciyo faylasha la xiriira Jeffrey Epstein, maal-qabeenkii geeriyooday ee lagu helay dambiyo galmo oo carruurta la xiriira, kaas oo xiriir bulsho la lahaa Trump iyo shaqsiyaad kale oo awood badan.
Greene waxay ku eedeysay Washington inay dagaalka ku billowday digniino muddo dheer Israel ku celcelineysay oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran.
“Trump iyo maamulkiisa waxaa hay’adaha sirdoonka dalkeena u sheegeen in Iran aysan meel dhowba ka joogin sameysashada hub nukliyeer ah, dabadeed Israel waxay ku celisay hadalkii ay tobannaan sano ku celcelineysay ee ahaa ‘Iran toddobaadyo keliya ayay u jirtaa’,” ayay Greene tiri.
“Haddana dowladdeenna ayaa ah tan dhab ahaan ka wada hadleysa inay hoos u dhigto xadka adeegsiga hubka nukliyeerka si hub nukliyeer ah loogu adeegsado Iran, inkastoo Trump uu ku dhow 40 jeer ku dhawaaqay inuu dagaalka ku guuleystay, isla markaana uu sheegayo in Mareykanku gacanta ku hayo SoH,” ayay raacisay, iyadoo ula jeedda Marinka Hormuz.
Dagaal lagu guuleysan la’yahay
Mareykanka iyo Israel ayaa dagaalka ka dhanka ah Iran billaabay 28-kii Febraayo. Weerarrada socda muddada bilaha ah waxay dileen kumannaan rayid Iranian ah, waxay carqaladeeyeen sahayda tamarta caalamka, balse weli kuma aysan guuleysan inay Tehran ka jebiyaan gacan-ku-haynta marin-biyoodka muhiimka ah.
Greene ayaa ka digtay in dagaalka oo sii fida uu horseedi karo waxa ay ku tilmaantay “xasuuq nukliyeer oo caalami ah”, hoos-u-dhac dhaqaale oo ba’an iyo khasaare naf oo aan jiilal badan la arag.
“Mareykanka ma aha dal aan waxba la gaarsiin karin,” ayay Greene ka digtay.
Hadalkeeda ayaa imanaya xilli ciidamada Mareykanka ay wajahaan hoos-u-dhac ku yimid kaydka hubka.
Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay dagaalka ku isticmaaleen “ku dhowaad dhammaan” gantaalladoodii ridada dheer ee beegsiga saxda ah, halka isticmaalka ballaaran ee gantaallada difaaca Patriot iyo THAAD uu wiiqay diyaar-garowga Mareykanka ee meelaha kale.
NBC News ayaa bishan sheegtay in Pentagon-ku diyaarinayo istaraatiijiyad cusub oo hubka nukliyeerka ah, taas oo hubka nukliyeerka taatikada ee ridada gaaban siinaysa door weyn oo uu ku yeesho dagaallada goboleed.
“Aragtideennu waxay tahay inaan u baahan nahay xulashooyin nukliyeer oo lagu kalsoonaan karo,” ayuu sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka u sheegay NBC.
Mareykanka ayaa weli ah dalka keliya ee hub nukliyeer ah dagaal u adeegsaday, kaddib markii uu 1945-kii burburiyey magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki ee Japan.

