Washington (Caasimada Online) – La-taliyaha sare ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan arrimaha Carabta iyo Afrika, Massad Boulos, ayaa beeniyey warar sheegaya in Washington ay Eritrea kala xaajooneyso heshiis qarsoodi ah oo lagu beegsanayo Itoobiya.
Boulos ayaa sheegay inaysan jirin wax heshiis noocaas ah, isla markaana dowladda Mareykanka aysan ka fiirsaneyn qorshe ay Eritrea kula safaneyso dal kale oo gobolka ka tirsan.
Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan su’aalaha laga keenayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka uu la yeelanayo Eritrea iyo Masar, oo labaduba uu xiriirkoodu Itoobiya uu xumaaday.
“Maamulka Trump wuxuu sii wadaa dadaallada lagu raadinayo nabadda gobolka, isaga oo xiriir diblomaasiyadeed la leh Masar, Eritrea iyo Itoobiya,” ayuu Boulos ku yiri qoraal uu ku daabacay barta X.
“Wararka sheegaya inaan ka wada xaajooneyno ama ka fiirsaneyno heshiis qarsoodi ah oo Eritrea ku lug leh, laguna wajahayo saaxiib kale oo gobolka ah, waa kuwo gebi ahaanba been ah,” ayuu raaciyey.
Boulos si toos ah uma magacaabin dalka uu ku tilmaamay “saaxiibka gobolka”, balse hadalkiisa ayaa loo fahmay inuu ula jeedo Itoobiya, oo ay khilaafyo xooggan kala dhexeeyaan Masar iyo Eritrea.
Khilaafaadkaas ayaa la xiriira biyaha webiga Nile, dadaalka Itoobiya ay ku dooneyso marin ay ka hesho Badda Cas iyo loollanka amni ee ka jira Geeska Afrika.
Boulos wuxuu sheegay in xiriirrada diblomaasiyadeed ee Washington ay hal ujeeddo leeyihiin, taas oo ah “horumarinta nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha guud ahaan Geeska Afrika”.
Eedeymo la beeniyey
Bayaanka Boulos ayaa yimid kadib maqaal ra’yi ah oo lagu sheegay in Masar ay isku dayeyso inay Mareykanka ku soo biiriso isbahaysi goboleed ay qayb ka tahay Eritrea, kaas oo looga soo horjeedo siyaasadaha dowladda Itoobiya.
Maqaalka, oo la daabacay 31-kii July, waxaa qoray Michael Rubin, oo hore uga tirsanaa Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.
Rubin wuxuu ku dooday in Masar ay adeegsaneyso saameynteeda si ay Washington ugu dhiirrigeliso xiriir dhow oo ay la yeelato Eritrea, arrintaas oo uu ku sheegay qayb ka mid ah qorshe lagu xakameynayo awoodda Itoobiya.
Maqaalka ayaa sidoo kale su’aal geliyey in dano shaqsiyeed ay saameyn ku yeelanayaan siyaasadda Washington ee gobolka, hase yeeshee wax caddeymo ah looma soo bandhigin eedeymahaas.
Boulos ma uusan magacaabin Rubin, mana uusan sheegin maqaal gaar ah oo uu uga jawaabayey, balse wuxuu wararka laga faafiyey heshiisyada gobolka ku tilmaamay “mala-awaal sumcad dil ah” iyo “eedeymo aan sal lahayn”.
“Hadallada been-abuurka iyo marin-habaabinta ah, mala-awaalka sumcad dilka ah iyo eedeymaha aan salka lahayn ee ku saabsan heshiisyo la sheegayo ama arrimo kale waa kuwo aan mas’uuliyad lahayn,” ayuu yiri.
Wuxuu ku eedeeyey dadka faafinaya wararkaas inay isku dayayaan inay qalloociyaan dadaallada diblomaasiyadeed, isla markaana dhaawacaan fursadaha lagu gaari karo nabad waarta.
Xiriirka Eritrea
Maamulka Trump ayaa bilihii lasoo dhaafay kordhiyey xiriirka uu la leeyahay Eritrea, xilli Washington ay dib u qiimeyneyso muhiimadda istaraatiijiyadeed ee dalkaas iyo xeebtiisa dheer ee Badda Cas.
Warbixinno soo baxay bishii April ayaa sheegay in Mareykanka uu sahaminayo sidii dib loogu soo celin lahaa xiriir diblomaasiyadeed oo heer sare ah oo uu la yeesho Asmara, isla markaana uu ka fiirsanayo in laga qaado qaar ka mid ah cunaqabateynta saaran dowladda Eritrea.
Boulos ayaa arrimahaas kala hadlay mas’uuliyiin Masri iyo Eritrean ah, halka Masar lagu soo warramay inay gacan ka geysatay fududeynta xiriirka u dhexeeya Washington iyo dowladda madaxweyne Isaias Afwerki.
Qorshayaashaas weli ma aysan gaarin heer kama dambeys ah markii markii ugu horreysay la shaaciyey, balse xiriirka Mareykanka iyo Eritrea ayaa walaac ka abuuray Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayaa si dhow ula socota xiriirrada militari iyo isbahaysiyada gobolka ee Eritrea, gaar ahaan kadib markii uu mar kale xumaaday xiriirka labada dal.
Mareykanka ayaa sidoo kale Itoobiya uga digay inay xoog militari ku raadiso marin ay uga hesho Badda Cas.
Dokumenti dowladda Mareykanka ah oo la helay bishii May ayaa sheegay in Washington ay Addis Ababa u caddeysay inay kasoo horjeedo isku day kasta oo Itoobiya ay awood militari ugu raadinayso marin badeed.
Mareykanka ayaa sidoo kale Itoobiya iyo Eritrea uga digay inay qaadaan tallaabooyin lagu carqaladeynayo xasilloonida midba midka kale.
Siyaasadda Washington ayaa u muuqata mid isku dayeysa inay isku dheellitirto hagaajinta xiriirka Eritrea iyo ka hortagga dagaal kale oo dhex mara labada dal ee deriska ah.
Itoobiya iyo Eritrea ayaa dagaal xuduudeed dhex maray intii u dhaxeysay 1998 iyo 2000, kaas oo sababay dhimashada tobannaan kun oo qof.
Labada dowladood ayaa markii dambe dib u heshiiyey, waxayna xulafo noqdeen intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Hase yeeshee, xiriirkooda ayaa mar kale xumaaday kadib heshiiskii nabadeed ee dowladda Itoobiya iyo xoogagga Tigray ay ku saxiixdeen Pretoria sanadkii 2022.
Itoobiya ayaa tan iyo xilligaas Eritrea ku eedeysay inay taageerto kooxo hubeysan oo gudaha dalkeeda ka dagaallamaya, halka Asmara ay eedeymahaas ku tilmaantay kuwo la been-abuuray.
Saameynta Soomaaliya
Muranka ayaa sidoo kale saameyn ku leh Soomaaliya, oo sanadihii dambe xoojisay xiriirka amni iyo midka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Masar iyo Eritrea.
Madaxweynayaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa bishii October 2024 ku kulmay magaalada Asmara, iyaga oo ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga, oo ay ku jirto taageerada ciidamada Soomaaliya iyo ilaalinta xuduudaha dalka.
Shirkaas ayaa dhacay xilli uu meel sare marayey khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiskii Addis Ababa ay la gashay maamulka Somaliland ee waqooyi galbeed Soomaaliya.
Iskaashiga amni ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa abuuray tuhun ah in gobolka uu ka sameysmayey isbahaysi cusub oo lagu wajahayo Itoobiya.
Hase yeeshee, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa markii dambe dib u soo celiyey xiriirkooda diblomaasiyadeed, kadib markii ay bishii December 2024 saxiixeen Baaqa Ankara oo ay dhexdhexaadisay Turkiga.
Heshiiskaas ayaa labada dhinac ku waajibiyey inay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana Itoobiya ay marin ganacsi oo badeed ku raadiso wadahadal lala galo dowladda Soomaaliya.
Washington ayaa dhankeeda sii wadday inay si gooni-gooni ah ula macaamisho dowladaha ugu muhiimsan gobolka.
Bishii July, Boulos ayaa magaalada Qaahira kula kulmay wasiirada arrimaha dibedda Soomaaliya, Eritrea iyo Masay, oo ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya, Eritrea iyo amniga guud ee Badda Cas.
Maamulka Trump ma uusan beenin inuu doonayo xiriir wanaagsan oo uu la yeesho Eritrea. Hadalka Boulos wuxuu si gaar ah u beeniyey eedeynta ah in xiriirkaas uu qayb ka yahay heshiis qarsoodi ah oo lagu wajahayo Itoobiya.
Bayaankiisa ayaa muujinaya dadaalka Washington ay ugu jirto inay maareyso khilaafyada is dul saaran ee ka jira gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin raadinta Itoobiya ee marin badeed, walaaca Masar ee webiga Nile iyo muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Eritrea ee Badda Cas.

