Mareykanka oo ku amray taliyaha booliska DFS..

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Taliyaha Ciidamada Booliska Somalia Maxamed Sheikh Xassan Xaamud uu socdaal shaqo ku tagay dalka Mareykanka ayaa waxaa soo baxaayo warar ku saabsan booqashadii uu halkaasi ku tagay.

Taliyaha ayaa mudadii uu halkaasi ku sugnaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Mareykanka sida Siyaasiyiin, Saraakiil ka kala tirsan Booliska, waxaana la soo warinayaa in mudadii uu ku howlanaa socdaalkiisa uu lasoo kulmay Siyaasado kala duwan.

Mudada uu Taliye Xaamud socdaalka ku tagay dalka Mareykanka ayaa waxa uu Dowladaasi usoo bandhigay codsiyo kala jaan ah oo ay kamid aheyd in Dowlada Mareykanka ay dhanka Booliska ka saacido Somalia iyo in Ciidamada Booliska ay siiyaan tababaro iyo gaadiidka gaashaaman ee lagu howlgaliyo ciidamada.

Xaamud ayaa ku lankii ugu badnaa laqaatay mudadaasi Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Minesota iyo Gudoomiyaha Gobolkaasi, isaga oona ka codsaday in caawimaadyo lala gaaro Booliska Somalia ee iminka ka bogsanaayo burburkii ku dhacay Somalia ee saameynta ku yeeshay Ciidamada.

Maamulka iyo Saraakiisha Booliska Gobolka Minesota ayaa Taliye Xaamud ugu baaqay in marka hore Ciidamada lagu howlgaliyo Gaadiidkii ay ka heleen Dowladaha Saaxiibada la ah Somalia oo ay kamid tahay Mareykanka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Minesota ayaa ku amray Xaamud in Ciidamada Booliska lasiiyo deeqihii gaadiid oo ay Caalmka ka heleen, waxa uuna u ballanqaaday in Taliska Booliska Gobolka Minesota uu Hay’adda Booliska Somalia u hibeyn doono Gaadiid iyo Hub ay kaga gaashaantaan Al-shabaab, balse waxa uu hordhigay xujo ah in marka hore lagu shaqeeyo Gaadiidka faraha badan ee xareysan.

Arrintaani ayaa xujo ku noqotay Taliyaha Booliska Somalia Maxamed Sheikh Xassan Xaamud mudadii uu halkaasi ku sugnaa.

Haddalka Dowlada Mareykanka ayaa imaanaya xili xarumaha Booliska DFS ay buux dhaafiyeen gaadiid aad u farabadan kuwaasi oo aan la isticmaalin islamarkaana aan la ogeyn danta laga leeyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com