Mareykanka oo ku dhowaaqay is-beddel lama filaan ah oo ku yimid dagaalka Iiraan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

 Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa xilligan qorsheyneysa inay ka fogaato weerarro milatari oo cusub oo ay ku qaaddo Iran, iyadoo taa beddelkeeda xoojinaysa cunaqabateynta dhaqaale iyo cadaadiska dhinaca badda, sida ay sheegayaan ilo Mareykan ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa dhowaan u sheegay wasiirrada arrimaha dibadda ee dhowr dal oo xulafo la ah Washington in Mareykanku “xilligan” aanu fileyn inuu bilaabo weerarro cusub oo ka dhan ah Iran, sida ay werisay Axios, iyadoo soo xiganaysa sarkaal Mareykan ah iyo il kale oo arrinta la socota.

Rubio ayaa la sheegay inuu u sheegay xulafada in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu hadda xoogga saarayo qaabab kale oo cadaadis ah, gaar ahaan cunaqabateynta cusub ee dhaqaale iyo xannibaadda badda ee Mareykanku ku hayo Iran.

Isbeddelkan ayaa muujinaya in Washington ay doonayso inay yareyso dagaalka tooska ah, ugu yaraan waqtigan, iyadoo isku dayaysa inay dhaqaale ahaan cadaadis weyn saarto Tehran.

Sarkaal Mareykan ah ayaa Axios u sheegay in Rubio uu caddeeyay inaan hadda la qorsheyn dib ugu noqoshada howl-gallo milatari oo ballaaran, balse uusan meesha ka saarin in Mareykanku weerarro qaado haddii Iran ay marka hore weerar ku soo qaaddo.

Maamulka Trump ayaa sidoo kale sare u qaaday cunaqabateynta Iran. Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa Isniintii billowday olole cusub oo ay ugu magac dartay “Operation Economic Outcast”, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo ilaha dhaqaale ee Tehran iyo dhinacyada ka caawiya inay ka dhuumato cunaqabateynta.

Washington ayaa tallaabadan ku dartay shirkado, shaqsiyaad iyo maraakiib lala xiriiriyay Iran, iyadoo sidoo kale ballaarisay khatarta cunaqabateynta labaad ee saaran shirkadaha iyo dalalka sii wada ganacsiga Tehran.

Cadaadiska Hormuz

Mareykanka ayaa sidoo kale rumeysan inuu Iran ka wiiqay awood muhiim ah oo ay ku lahayd marin-biyoodka Hormuz, kaddib howl-gallo lagu nadiifinayo miinooyinka iyo kororka maraakiibta shidaalka ee maraya qaybta koonfureed ee marin-biyoodkaas.

Sarkaal labaad oo Mareykan ah ayaa Axios u sheegay in nadiifinta miinooyinka ay tahay isbeddel weyn oo dagaalka ku yimid, maadaama ay meesha ka saareyso qayb muhiim ah oo ka mid ahayd awoodda Iran ay cadaadis ugu saari karto suuqyada tamarta caalamka.

“Iran waxay lumisay gacantii ay ku haysay marin-biyoodka. Hadda Mareykanka ayaa gacanta ku haya,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ee Axios la hadlay.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in tirada booyadaha shidaalka ee ka gudbaya Hormuz ay toddobaadyadii dambe sii kordheysay, arrintaas oo ay Washington u aragto inay hoos u dhigayso awoodda Tehran ee ay ku carqaladeyn karto suuqyada tamarta dunida.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa sheegaya in xannibaadda badda ay Iran ka jarayso dakhli muhiim u ahaa dowladda.

Saraakiisha ayaa Axios u sheegay in labadii toddobaad ee la soo dhaafay aan ku dhowaad wax booyado ah lagu arag jasiiradda Kharg, oo ah xarunta ugu weyn ee Iran ay shidaalkeeda dibadda uga dhoofiso.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Tommy Pigott ayaa sheegay in Washington ay dooneyso inay xirto waddo kasta oo dhaqaale oo Tehran u hartay.

“Dhaqaalaha Iran wuxuu ku jiraa burbur weyn, ciidamadii maamulkana si ba’an ayaa loo wiiqay,” ayuu yiri Pigott, isagoo intaas ku daray in Mareykanku jarayo “waddo kasta oo dhaqaale oo maamulku weli haysto”.

Wuxuu sheegay in Trump uu caddeeyay inaan Iran loo oggolaan doonin inay hesho hub nukliyeer ah, isla markaana madaxweynuhu adeegsan doono agabka uu u arko inay lagama maarmaan yihiin si taas looga hortago.

Weli wadahadal ma jiro

Isbeddelladan ayaa imanaya xilli ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed oo la doonayo in lagu yareeyo xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran.

Taliyaha ciidamada Pakistan Field Marshal Asim Munir ayaa Axaddii booqday Tehran, halkaas oo uu kula kulmay hoggaanka Iran. Pakistan ayaa tan iyo markii dagaalku billowday door dhexdhexaadin ah ka dhex waday Mareykanka iyo Iran.

Telefishinka Al Arabiya ayaa sheegay in Munir uu Trump la hadlay ka hor safarkiisa, isla markaana uu soo jeediyay hindise cusub oo loo gudbin karo dhinaca Iran.

Aqalka Cad ma uusan beenin in Trump iyo Munir ay wada hadleen, balse wuxuu sheegay in waqtigan aysan jirin wadaxaajoodyo socda ama la qorsheeyay oo Mareykanka iyo Iran dhexmaraya.

“Waqtigan xaadirka ah Iran lama xaajooneyno. Cadaadis ayaan saareynaa,” ayuu sarkaal Mareykan ah u sheegay Axios, isagoo sheegay in cadaadiskaasi ugu dambeyn Tehran dib ugu celin karo miiska wada-hadalka.

Sida ay Axios sheegtay, mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa rumeysan in Iran ay hadda lumisay qayb muhiim ah oo ka mid ah awooddii ay marin-biyoodka Hormuz ugu adeegsan lahayd gorgortan kasta oo mustaqbalka ah.

Sarkaal kale ayaa sheegay in siyaasadda hadda jirta — ka fogaanshaha weerarro cusub iyo xoojinta cadaadiska dhaqaale — la filayo inay sii socoto ugu yaraan ilaa doorashooyinka xilliga dhexe ee Mareykanka, inkastoo howl-gal milatari oo cusub dib loo tixgelin karo kaddib.

Ergada Aqalka Cad Steve Witkoff iyo Jared Kushner, oo door muhiim ah ku lahaa wadahadalladii Iran, ayaa sidoo kale la filayaa inay Arbacada booqdaan Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka, CENTCOM, si warbixin looga siiyo xaaladda dhulka, sida ay Axios kasoo xigatay il xog-ogaal ah.

- Advertisement -

Read more

Local News