Mareykanka oo ku hanjabay in haddii uu sii socdo khilaafka siyaasadda Soomaaliya…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa ka digay in xasillooni-darrada siyaasadeed iyo khilaafka daba-dheeraaday ee madaxda Soomaaliya ay adkeyn karaan in Washington sii waddo kaalinteeda muddada dheer ee dalka.

Anderson ayaa wareysi ay Jimcihii baahisay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ku beeniyay wararka sheegaya in Washington ay qorsheyneyso inay Soomaaliya ka baxdo.

Wuxuu sheegay in Mareykanku uusan “dhabarka u jeedin” Soomaaliya, isaga oo xusay taageerada uu dalka siinayay sannadihii lasoo dhaafay, oo ay ku jirto dhismaha iyo tababarka ciidanka kumaandooska Danab.

Hase yeeshee, taliyaha AFRICOM ayaa caddeeyay in sii socoshada taageeradaas ay ku xirnaan doonto sida madaxda Soomaaliya ay u qaataan mas’uuliyadda hoggaaminta dalka, una xalliyaan khilaafaadka siyaasadeed.

“Haddii Soomaaliya ay kaalinteeda qaadato, dowladduna ay hormuud ka noqoto arrimahan, waan sii joogi doonnaa, sababtoo ah waxaa jira dano naga dhexeeya,” ayuu yiri Anderson.

“Laakiin haddii aynaan taas arkin, xasillooni-darrada siyaasadeed iyo isqabqabsiguna ay sii socdaan, aad ayay noogu adkaan doontaa inaan sii wadno ka-qaybgalkeenna,” ayuu raaciyay.

Hadalka Anderson ayaa muujinaya in Washington aysan ka hadleyn bixitaan degdeg ah, balse ay madaxda Soomaaliya u direyso fariin ah in taageerada Mareykanka aysan sii ahaan karin mid aan shuruud lahayn.

Taliyaha AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in hawlgallada militari aysan kaligood Soomaaliya u horseedi karin amni waara, haddii aysan barbar socon dowladnimo shaqeysa, hay’ado deggan iyo maamul gaara deegaannada laga saaro kooxaha hubeysan.

“Waxaan Soomaaliya uga baahan nahay inay keento dowladnimo. Waxaan uga baahan nahay inay abuurto xasillooni horseedi karta barwaaqo,” ayuu yiri.

“Haddii xasilloonidaas la helo, Mareykanku aad ayuu u daneynayaa inuu maalgashado.”

Mareykanka ayaa muddo dheer tababar, qalab iyo taageero hawlgaleed siinayay ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan Danab, oo door weyn ka qaata hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Laakiin Anderson ayaa sheegay in gudaha Mareykanka ay sii kordhayaan su’aalaha ku saabsan muddada uu Washington sii wadi karo kaalinta uu ku leeyahay Soomaaliya, iyadoo aan la arkin dowlad awood u leh inay si madax-bannaan ula tacaasho caqabadaha amniga iyo siyaasadda.

“Waxaa Washington iyo qeybaha kale ee dalka ku sugan dad leh, ‘Sannado badan ayaan halkan joognay. Goorma ayay Soomaaliya madax-bannaan noqon doontaa oo ay arrimahan mas’uuliyaddooda qaadan doontaa?’” ayuu yiri.

Anderson ayaa sheegay in deegaanno lagu xaqiijiyay hawlgallo socday intii u dhaxeysay 2019-kii iyo 2021-kii ay markii dambe dib ugu gacan galeen Al-Shabaab, taas oo keentay in mar kale loo baahdo olole dib loogu qabsado.

Anderson, oo Soomaaliya ka tirsanaa Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareykanka intii u dhaxeysay 2019 iyo 2021, ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kumaandooska Danab, ay xilligaas horumar ka sameeyeen jiinka webiga Shabeellaha Hoose, ayna gaareen degmada Mubaarak.

“Waxaan halkan ka howlgalayay anigoo ka tirsan Taliska Hawlgallada Gaarka ah intii u dhaxeysay 2019 iyo 2021. Waxaan la shaqeynay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Danab, waxaana ku sii soconnay jiinka webiga Shabeellaha Hoose, annagoo horumar sameynay oo gaarnay ilaa Mubaarak,” ayuu yiri Anderson.

“Hadda waxaan kusoo laabtay AFRICOM anigoo taliye ah, waxaana mar kale dib u qabsaneynaa isla deegaannadii,” ayuu raaciyay.

Wuxuu sheegay in deegaannadaas la lumiyay kaddib markii diiradda laga leexiyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Tani waa waxa keena niyad-jabka, sababtoo ah dhulkaas waxaa la lumiyay markii meel uun diiraddii argagixisada laga qaaday oo arrimo kale loo weeciyay,” ayuu yiri.

Anderson ayaa sidoo kale sheegay in hawlgallada militari aysan kaligood ku filneyn in la ilaaliyo guulaha laga gaaro dagaalka, isaga oo adkeeyay in deegaannada dib loo qabsado ay tahay in la gaarsiiyo dowladnimo, caddaalad iyo xasillooni.

“In dhulkaas la qabsado waa qeyb ka mid ah sugidda amniga. Laakiin markaas waa inaad awood u yeelataan inaad dhulkaas sii haysataan, dowladnimo gaarsiisaan, caddaalad hirgelisaan, isla markaana abuurtaan xasilloonida lagama maarmaanka u ah in barwaaqo ay ka dhalato,” ayuu yiri.

Hadallada taliyaha AFRICOM ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ah ay wajaheyso khilaaf xooggan oo ku saabsan doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo xiriirka kala dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii Maarso ansixiyay wax-ka-beddello dastuur oo dhalisay muran ku saabsan muddada xilka madaxda iyo waqtiga doorashooyinka. Falanqeeyayaal ayaa sheegay in doorashooyinka ay dib u dhacayaan, maadaama aysan jirin hannaan doorasho oo ay dhinacyada siyaasadda isku raacsan yihiin.

Xiisadda siyaasadeed ayaa bishii June gaartay heer ay Muqdisho ku dagaallamaan ciidamada dowladda iyo kooxo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ay dhinacyada ugu baaqeen inay khilaafkooda ku dhammeeyaan wada-hadal.

Safaaradda Mareykanka ayaa xilligaas sheegtay in madaxda Soomaalida oo dhan ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta xasilloonida iyo in tallaabooyinka ay qaadaan ay saameyn muddo dheer ah ku yeelan karaan amniga, midnimada iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Digniinta Anderson ayaa sidaas darteed cadaadis dheeraad ah saaraysa madaxda dowladda federaalka, iyadoo Washington ay si cad isugu xirtay taageerada amniga, xasilloonida siyaasadeed iyo awoodda Soomaaliya ay ugu istaagi karto mas’uuliyadda dowladnimadeeda.

- Advertisement -

Read more

Local News