Washington (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa isticmaalay inta badan keydkoodii gantaallada riddada dheer ee sida tooska h loo hago, kadib shan bilood oo dagaal ah oo uu kula jiray Iran, arrintaas oo dhalisay walaac ku saabsan awoodda Washington ay uga jawaabi karto dagaallo ama qalalaase cusub oo ka dhaca meelo kale oo dunida ah.
Saddex qof oo xog-ogaal u ah tirakoobka hubka militariga ayaa Reuters u sheegay in Mareykanku uu si weyn u isticmaalay gantaallada dhulka laga rido ee loo yaqaanno Army Tactical Missile Systems — ATACMS — iyo Precision Strike Missiles — PrSM.
Laba ka mid ah ilahaas ayaa sheegay in “ku dhowaad dhammaan” keydkii labadan nooc ee gantaallada la isticmaalay, inkasta oo aysan shaacin tirada hubka hadda u hartay militariga Mareykanka.
Xogta muujineysa heerka uu hoos ugu dhacay keydka gantaallada ATACMS iyo PrSM ayaan hore si faahfaahsan loogu soo bandhigin warbaahinta.
Gantaalladan oo midkiiba qiimihiisu ka badan yahay hal milyan oo dollar ayaa militariga u oggolaanaya inuu bartilmaameedyo si sax ah uga duqeeyo masaafo fog, isaga oo aan askarta iyo diyaaradaha dagaalka gelin khatar toos ah.
Gantaallada ATACMS ee Mareykanku siiyay Ukraine ayaa sidoo kale door weyn ka qaatay dagaalka Ruushka iyo Ukraine, iyagoo ciidamada Kyiv u suurtageliyay inay weeraraan bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dhulka Ruushka.
PrSM waa jiil cusub oo casri ah, waxaana la qorsheynayaa inuu beddelo ATACMS, oo leh awood iyo masaafo ka gaaban tan gantaallada cusub.
Weerarro halis badan
Hoos u dhaca weyn ee keydka gantaallada riddada dheer ayaa la sheegay inay madaxweyne Donald Trump ku qasbi karto inuu ku tiirsanaado diyaarado ay duuliyayaal wadaan, haddii uu mar kale billaabo duqeymo ballaaran oo ka dhan ah Iran.
Taasi waxay sare u qaadi kartaa khatarta ay la kulmayaan duuliyayaasha Mareykanka, gaar ahaan marka la weerarayo waddan leh nidaamyo difaaca cirka oo xooggan.
Trump ayaa dagaalka Iran si wadajir ah ula billaabay Israel bishii Febraayo, isaga oo xilligaas saadaaliyay in colaadda ay muddo kooban socon doonto.
Hase yeeshee, dagaalka oo sii daba-dheeraaday ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in isticmaalka joogtada ah ee hubka casriga ah uu wiiqo awoodda Mareykanka uu kaga hortagi karo dalal kale oo ay xafiiltamaan, sida Ruushka iyo Shiinaha.
Il afraad oo arrintan xog-ogaal u ah ayaa sheegay in inkasta oo tiro badan oo hubka saxda ah la isticmaalay, haddana Mareykanku uu weli awoodo inuu dib u buuxiyo keydkiisa.
Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo maamula howlgalada ciidamada dalkaas ee Bariga Dhexe, ayaa hub kasoo uruuriyay saldhigyada iyo keydadka Mareykanka ee ku kala yaalla dunida, sida uu sheegay qofkaas.
Dhammaan ilaha xogta bixiyay ayaa codsaday inaan magacyadooda la shaacin, sababo la xiriira xasaasiyadda macluumaadka ay ka hadlayeen.
Aqalka Cad oo beeniyay
Markii wax laga weydiiyay xaaladda keydka hubka, Aqalka Cad ayaa soo saaray bayaan uu Trump ku sheegay in Mareykanku haysto “hub ka badan dal kasta oo dunida ku yaalla”, isla markaana uu haysto wax ka badan inta uu u baahan yahay.
“Shirkadaha difaaca Mareykanka waxay xilligan sameynayaan hub ka badan intii ay waligood sameeyeen, waxayna si aan hore loo arag u ballaarinayaan warshadahooda iyo qalabkooda,” ayuu yiri Trump.
Falanqeeyayaasha ayaa isku raacsan in wax-soo-saarka qaar ka mid ah hubka, oo ay ku jiraan madaafiicda iyo noocyo kala duwan oo gantaallo ah, uu gaaray heerar sare.
Hase yeeshee, waxay ka digayaan in wax-soo-saarka hadda jira uusan la jaanqaadi karin baahida ka dhalan karta dagaal weyn oo muddo dheer socda.
Shirkadda Lockheed Martin, oo sameysa gantaallada ATACMS iyo PrSM, iyo sidoo kale nidaamka difaaca gantaallada ee THAAD, kama aysan jawaabin su’aalaha la xiriira xaaladda keydka.
Shirkadda Raytheon, oo soo saarta gantaallada Tomahawk iyo kuwa difaaca ee Patriot, ayaan iyaduna markiiba ka jawaabin codsiga faallo bixinta.
Afhayeenka ugu sarreeya Pentagon-ka, Sean Parnell, ayaa sheegay in militariga Mareykanka uu weli yahay kan ugu awoodda badan dunida, isla markaana uu haysto wax kasta oo uu u baahan yahay.
“Militariga Mareykanka wuxuu awood u leeyahay inuu fuliyo howlgal kasta, goob kasta iyo xilli kasta oo uu madaxweynuhu doorto,” ayuu yiri Parnell.
“Waxaan fulinnay howlgallo badan oo guuleystay, annagoo isla markaana xaqiijinnay in militarigu haysto hub iyo awood ku filan oo lagu difaaco shacabka iyo danaha Mareykanka.”
Dood ka dhex taagan maamulka
Xogta la xiriirta yaraanshaha hubka ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay dhex wareegeysay hay’adaha dowladda Mareykanka, xilli saraakiisha maamulka Trump ay ka doodayeen muddada uu dalku sii wadi karo weerarrada Iran.
Walaaca ugu weyn ayaa ah in haddii keydka hubka loo isticmaalo dagaalka Iran uu gaaro heer aad u hooseeya, Mareykanku uusan awoodin inuu si degdeg ah uga jawaabo qalalaase cusub oo ka dhaca Yurub ama gobolka Indo-Pacific.
Mid ka mid ah ilaha ayaa sheegay in isticmaalka badan ee ATACMS iyo PrSM uu ka dhashay go’aan maamulka Trump uu ku doonayay inuu ka fogaado weerarro ay fulinayaan diyaarado ay duuliyayaal wadaan.
Hubkan ayaa bartilmaameedyada laga weerari karaa masaafo fog, waana sababta uu muhiim ugu yahay dagaal lala galo waddan leh difaac cirka oo horumarsan, sida Shiinaha.
Warbixin bishii Maarso ay soo saartay xarunta daraasaadka ee Center for Strategic and International Studies — CSIS — ayaa sheegtay in gantaallada PrSM loo adeegsaday weerarro ka dhacay gudaha Iran.
Keydka PrSM ayaa markii horeba koobnaa, maadaama uu yahay hub cusub, hase yeeshee militariga Mareykanka ayaa dalbaday tiro badan oo gantaalladan ah oo la filayo in la soo saaro ama la gaarsiiyo sannadka 2027.
Ciidamada dhulka Mareykanka ayaa sheegay inay si tartiib ah meesha uga saarayaan ATACMS, iyadoo wax-soo-saarka loo wareejinayo PrSM.
Hubka difaaca oo isna yaraaday
Saraakiisha militariga ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay Trump uga digayay in keydka hubka difaaca, gaar ahaan gantaallada Patriot ee lagu burburiyo gantaallada ballistic-ga ah, uu si degdeg ah u yaraanayo.
Warbaahinno dhowr ah ayaa toddobaadkii hore sheegay in Trump uu ka laabtay weerar kale oo ballaaran oo lagu qaado Iran, kadib markii la-taliyayaashiisa militariga ay uga digeen xaaladda keydka hubka.
Sarkaal Mareykan ah ayaa arrintaas beeniyay, wuxuuna sheegay in Trump uu weerarka uga laabtay cadaadis uga yimid dowladaha Khaliijka.
Dagaalka Bariga Dhexe ayaa sidoo kale dhaliyay dood xooggan oo ku saabsan awoodda sharci ee Trump uu ku sii wadi karo dagaalka Iran, isaga oo aan oggolaansho ka haysan Congress-ka.
Maamulka Trump ayaan Congress-ka u gudbin codsi rasmi ah oo lagu iclaaminayo dagaal ama lagu ansixinayo adeegsiga awoodda militariga.
Warbixin kale oo CSIS ay soo saartay ayaa qiyaastay in intii u dhexeysay Febraayo iyo Luulyo la isticmaalay ku dhowaad 65 boqolkiiba gantaallada Patriot ee keydka Mareykanka.
Waxay sidoo kale sheegtay in tirada gantaallada THAAD ee hadda ku jira keydka ay ugu yaraan 38 boqolkiiba ka yar tahay tiradii jirtay markii dagaalka la billaabay.
Laba ka mid ah ilaha xog-ogaalka ah ayaa sheegay in qiyaasahaas ay waafaqsan yihiin xogta gudaha ee dowladda Mareykanka.
Mareykanka ayaa sidoo kale la sheegay inuu isticmaalay wax yar ka yar kala bar keydkiisa caalamiga ah ee gantaallada Tomahawk tan iyo markii dagaalka Iran uu billowday, inkasta oo tiradaas aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
Tomahawk waa gantaal ay isticmaalaan ciidamada badda Mareykanka, waxaana laga ridi karaa maraakiibta dagaalka iyo gujisyada, isaga oo u oggolaanaya militariga inuu weeraro goobaha sida weyn loo ilaaliyo, iyada oo aan khatar la gelin duuliyayaasha.
Shirkadda Raytheon ayaa heshiis hordhac ah oo dhowr sano ah la gaartay Pentagon-ka si loo kordhiyo wax-soo-saarka Tomahawk iyo hub kale, xilli Washington ay dadaal ugu jirto inay dib u dhisto keydkeeda sii yaraanaya.

