Mareykanka oo lacagta ka jartay Kenya kaddib markii la ogaaday in ciidanka ka jooga Somalia…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay hakineyso kaalmada Militeri oo ay siiso Dowlada Kenya.

Qoraal uu daabacay wargeyska afka dheer ee Pittsburgh Post-Gazette ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Mareykanka aysan sii wadi doonin kaalmada Militeri ee Kenya gaar ahaan kuwa ka jooga Somalia.

Wargeyska oo xiganaaya Saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga Mareykanka ayaa sheegay in Dowladu ay baaritaano ku sameyneyso xadgudubyada Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay kawadaan Magaalada Kismaayo kuwaasi oo ka macaasha Sonkorta Kontorobaanka ah ee laga daabulo Somalia.

Wargeyska ayaa qoray in Dowlada Mareykanka kaalmadaasi ay hakin doonto ilaa ay Ciidamada Kenya ay ka joojin doonaan daabulida Sokorta Kontorobaanka ah, waxa ayna Dowladu sheegtay in Kaalmadaasi noqotay mid lagu khasaaray, sida qoraalka lagu sheegay.

Pittsburgh Post-Gazette waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Dowlada Mareykanka ay xatooyo ganbasho la’aan ah u aragto faragalinta ay ku heyso ganacsiga Somalia iyo wada shaqeynta kala dhexeysa Al-shabaab taasi oo mas’uul dari lagu sifeeyay.

Qoraalka wargeyska Pittsburgh Post-Gazette waxa uu imaanayaa iyadoo Dowlada Mareykanka ay Militeriga Kenya ku bixiso kaalmo Milliteri oo dhan 141-million oo Dollar muddadii u dhexeysay sannadihii 2010-kii ilaa 2004-tii ee Miisaaniyadda Hawlgalladda Somalia.

Sanadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa sidoo kale Milliteriga Maraykanka Kenya siiyay lacag dhan 38 million oo Dollar, iyadoo bishii May ee sannadkan 2015-ka la sheegay in Kalamadda sannadkan la gaarsiiyay 100-million oo Dollar.

Dhanka kale, caqabadaani soo korortay ayaa imaaneysa iyadoo Dowlada Kenya ay Shixnad Sonkor oo lagu qiimeeyey 400-million oo dollar sanadkiiba laga soo dejiyo Dekedda Kismaayo, waxaana Sonkortaasi si Kontorobaan ah loogu gudbiyaa gudaha Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com