Mareykanka oo sameeyey khalad burburinaya rajadii deyn cafinta Soomaaliya iyo Yamamoto oo is-casilaya

Washington DC (Caasimada Online) – Dadaalka caalamiga ah ee la doonayo in deynta looga cafiyo Soomaaliya ayaa waxaa burburin kara khalad maamul oo ka dhacay dowladda Mareykanka, taasi oo wiiqi doonta isku dayada muddo lagu doonayey in xasilooni loogu soo dabbaalo Soomaaliya.

Khaladkan ayaa aad uga yaabiyey qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka, waxaana carrada ka dhalatay ka mid ah in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto uu ka fakarayo inuu is-casilo, waxaa sidaas wargeyska Foreign Policy u sheegay saraakiil hadda ka tirsan dowladda Mareykanka iyo kuwa hore.

Dadaallo dhowr ah oo ay sameysay xukuumadda Kheyre oo wax looga qabanayey musuq-maasuqa laguna saxayey hannaanka maaliyadeed ee dalka, ayaa Soomaaliya siiyey fursad ay ku hesho in horaanta sanadda 2020 looga cafiyo daymaha, ayada oo ka faa’iieysanaysa barnaamijka Bankinga Adduunka iyo IMF ee HIPS (Heavily Indebted Poor Country ) – Dal Sabool ah oo Deyn Culus ay Saaran tahay.

Hase yeeshee barnaamijka HIPC ayaa u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura, haddii aysan sidaa dhicinna ma shaqeynayo.

“Haddii dowladda Mareykanka aysan wax ku tabarucin, heshiiska oo dhan ayaa burburaya,” waxaa sidaas yiri kaaliya ka tirsan Aqalka Senate-ka oo arrintan la socda.

Ayada oo xaqiijinta in deynta laga cafiyo Soomaaliya ay muddo ahmiyad siyaasadeed oo weyn u ahayd Mareykanka, ayaa qorshahaas waxaa hadda burburin kara khalad ka dhacay wasaaradda arrimaha dibedda iyo tan maaliyadda Mareykanka, sababta oo ah kuma aysan wargelin sharci-dejiyayaasha, si deyn cafinta loogu daro miisaaniyadda 2020 ee uu dhowaan diyaariyey congress-ka, waxaa sidaas u sheegay wargeyska Foreign Policy, lix sarkaal oo isugu jira kuwa hadda xilal haya iyo kuwa hore.

Saraakiisha qaar ayaa rumaysan in arrintan ay ka hoos baxday wasaaradda arrimaha dibedda oo ku mashquulsaneyd inay kala hormariso ahmiyadaheeda miisaaniyadda.

“Illaa iyo hadda waan rumeysan la’ahay in Soomaaliya oo qarash iyo waqti badan naga galay, ay dadaalladeenii ku burburaan khalad sidan u yar,” ayuu yiri sarkaal.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka waa ay diiday inay jawaab ka bixiso arrintan, sidoo kalena wasaaradda maaliyadda kama aysan soo jawaabin codsi loo diray.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa si hoose uga fakaraya inuu is-caislo, haddii dowladda Mareykanka aysan xal u helin arrintan, sida ay sheegeen saraakiil xog-ogaal ah.

Ayada oo la marayo farsamooyin jahwareer badan, ayaa Mareykanka waxa uu tirtir karaa deynta uu ku leeyahay Soomaaliya oo gaaraysa hal bilyan oo dollar. Xeeladdan ayaa ah in wasaaradda arrimaha dibedda ay wasaaradda maaliyadda siiso 35 milyan oo dollar, ayada oo ka wakiil ah Soomaaliya, taasi oo deynta oo dhan meesha ka saaraysa.

Hase yeeshee arrintan ayaa u baahan in congress-ka uu ku daro miisaaniyadda dowladda – Balse cid ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda iyo wasaaradda maaliyadda lama xiriirin sharci-dejiyayaasha, si ay ugu war-geliyaan in 35-ka milyan lagu daro miisaaniyadda 2020, ka hor inta aan la diyaarin, sida ay sheegeen kaaliyayaal ka tirsan congress-ka.

Saraakiisha iyo kaaliyayaasha ayaa hadda isku dayaya inay xal kale helaan, hase yeeshee ilaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka Trump kuma war-gelin in deyn cafinta Soomaaliya ay tahay ahmiyad weyn, sababtoo ah ahmiyado kale oo muhiim u ah ayaa suurta gal in miisaaniyad loo waayo, iskaba daa Afrika’e.

“Tani waxay ahayd culeys ka fudud dhibaatooyinka kale ee ka jira Afrika, hase yeeshee maamulka kuma bixin dareen wanaagsan si loogu war-geliyo congress-ka,” waxaa sidaas yiri kaaliya ka tirsan congress-ka.

Ayada oo qof kasta uu u muuqo inuu taageersan yahay deyn cafinta Soomaaliya – Ha noqoto wasaaradda arrimaha dibedda, wasaaradda maaliyadda, iyo congress-ka – Haddana ma muuqato in ficil la qaadayo si dib loogu furo miisaaniyadda, looguna daro deyn-cafinta.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibedda ma aysan muujin inay 35-ka milyan kasoo goyn doonto meelo kale, una weecin doonto dhanka Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale riixi karta deyn cafinta Soomaaliya, ayada oo la diyaarinayo sharci gooni ah, hase yeeshee taas waa wax aad u adag marka loo eego in lacagta lagu daro miisaaniyadda guud ee dowladda, sababtoo ah maamulka Trump oo ay horey uga go’neyd in la yareeyo gargaarka la siiyo dalalka dibedda.

Dalal dhowr ah ayaa horey u ballan-qaaday inay deynta ka cafinayaan Soomaaliya. Horaantii sanadkan kadib markii ay ku qal-qaalisay wasaaradda maaliyadad Mareykanka, Midowga Yurub, UK iyo Qatar ayaa ogolaaday inay bixiyaan $150 milyan oo ka mid ah $330-ka milyan ee IMF ay ku leedahay Soomaaliya. Sidoo kale, Norway ayaa ogalaatay inay Soomaaliya ka bixiso $360-ka milyan ee uu ku leeyahay Bankiga Adduunka.

Si kastaba, dhammaan dadaalladaas ayaa burburi doona, haddii Mareykanka aanu xal u helin khaldkii ka dhacay, sababtoo ah barnaamijka HIPC ayaa u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura, haddii aysan sidaa dhicinna ma shaqeynayo.