Mareykanka oo shaaciyey in lala xisaabtamayo cidda mas’uulka ka ah shacabka lagu dilay Laascaanood

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in lala xisaabtami doona kuwa mas’uulka ka dadka shacabka ah ee lagu dilay magaalada Laascaanood oo saddex toddobaad uu dagaal ka socdo. 

Dagaalka oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo shacabka magaalada oo kasoo horjeeda joogitaankooda ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 96 qof, ayada oo in ka badan 500 ay ku dhaawacmeen.  

“Dowladda Mareykanka waxay cambaareyneysaa sii socoshada weerarada aan kala sooca laheyn oo daraasiin shacab ah ku dilay Laascaanood, islamarkaana in ka badan 185,000 oo qof ka barakiciyey guryahooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka. 

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Rabshadaha waa in la joojiyaa, islamarkaana kuwa mas’uulka ka ah lala xisaabtamaa.” 

Maamulka Somaliland ayaa horey loogu eedeeyey inay madaafiic ku garaacayaan goobaha shacabka ee magaalada, kuwaasi oo dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen. Somaliland waa ay beenisay eedeymahaas.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay Somaliland ku cadaadineysa in ay ka dhabeyso xabad joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana xiisadda taagan xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya oo booqasho aan hore loo sii shaacin ku tegay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu shalay madaxtooyada Somaliland kulan kula yeeshay madaxweyne Muuse Biixi.

“Waxaanu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka wada-hadalnay khasaaraha nafeed ee naxdinta leh iyo qalalaasaha Laascaanood, Mareykanku wuxuu beesha caalamka kala mid yahay in la sameeyo xabad joojin bilaa shuruuda, iyo gargaar aadaminimo oo aan la carqaladayn,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Somaliland oo iyaduna qoraal kasoo saartay kulanka Muuse Biixi iyo Amb. Tim Trenkle ayaa waxa lagu sheegay in kulankaasi uu ku dhammaaday is afgarad buuxa.

Xukuumadda Somalinad ayaa hore u sheegtay dhankeeda inay diyaar u tahay in miiska wada-hadalka xal looga gaaro xiisadda dagaal ee Laascaanood, taasi oo timid kadib cadaadisyo horleh oo beesha caalamka ku saareen dagaalka socda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu ergo dhaqameed u dirayo gobolka Sool, si ay ula soo fariistan Isimida ku sugan Laascaanood, wallow ay arrintaas ku gacan sayreen garaadada SSC oo ayagu sheegay in aysan jirin cid xiriir kala soo sameysay wada-hadal iyo waan-waan laga galayo xiisadda taagan.