Mareykanka oo wadaad caan ka ah Somalia ku daray liiska argagixisada

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dowlada Mareykanka ay Liiska Argagixiso ku dartay wadaadka xagjirka ah ee lagu magacaabo Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Wadaadka ay dowlada Mareykanka Liiska Argagixiso ku dartay ee lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin ayaa madax ka ah Kooxda la magacbaxday Daacishta Somalia ee sida dhow ula shaqeysa Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Ciraaq.

Cabdulqaadir Muumin ayaa ka howlgala Buuraha Galgala waxa uuna markiisa hore ahaa xubin ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, balse waxa uu markii danbe ku dhawaaqay inuu ka go’ay Al-shabaab kuna biiray Kooxda Daacish.

Cabdulqaadir Muumin ayaa ku biiristiisa Daacish ku dhawaaqay 23 Oktoobar 2015, waxa uuna Buuraha Galgala ka shaaciyay inuu ku heysto Dagaalyahaano tiradooda lagu sheegay 20 dagaalyahan.

Sidoo kale, qoraalka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka, waxaa lagu sheegay in Sheekh Cabdulqaadir Muumin wixii ka danbeeyay ka goosashada Al-shabaab inuu ballaariyey unugiisa argagixiso isaga oo afduubay carruur da’ yar, kuna qasbay inay ciidamo noqdaan, sida lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka Waaxda waxaa lagu sheegay in dhammaan Hay’adaha amaanka Mareykanka aysan xiriir la sameyn karin wadaadka lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin oo iminka dhexbartanka kaga jira Liiska shakhsiyaadka Argagixisada ee sida ba’an caalamka u baadi-goobaayo.

Qoraalka ayaa intaa lagu daray in Beesha Caalamka lagu wargalinaayo inay la socto dhaqdhaqaaqyada Cabdulqaadir Muumin isla markaana u aqoonsadaan inuu yahay Shakhsi si firfircoon ugu lug lee yahay ficillo argagixiso.

Sidoo kale, Kooxda sheegata dowladda islaamiga waxay dhowaantan si caddaan ah u qalqaalsanayeen jihaad-doonka Soomaaliya , iyagoo xataa iskudeyaya inay u adeegsadaan kooxda xiriirku kala dhexeeyo ee galbeedka Afrika ee Boko Haram inay sidaas oo kale sameeyaan.

Al-Shabaab qudheeda waxaa xiriir kala dhexeeyaa kooxda loollanku kala dhexeeyo Daacish ee Al-Qaacida, waxaana hoggaamiyeyaasha al-Shabaab ay isku khilaafeen arrintan iyagoo xirxiray xubno lagu tuhunsan yahay inay iskudeyayeen inay goostaan.

Dhinaca kale, Kooxdan uu Hoggaamiyo Sheekh Cabdulkhaadir Muumin waxaa saldhiggeedu yahay buuraha Galgala ee maamul-goboleedka Puntland ee woqooyi bari Somalia.

Kooxdu waxay u muuqataa inay yar tahay hadda waxaana madax u ah sheekh Cabdiqaadir Muumin, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha diineed ee al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com