Mareykanka oo war kasoo saaray diyaaraddii ku bur-burtay Beledweyne, hal arrina shaaca ka qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii u horeysay ka hadashay diyaaradii shalay ku bur-burtay garoonka diyaaradaha Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Mareykanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay bur-burka diyaaradaasi iyo gar-gaarkii ay siday oo gebi ahaanba shuf beelay, maadama uu dab xoogan ka kacay, sida lagu sheegay war kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay inay si weyn ugu faraxsan tahay in bur-burka diyaarada uusan ka dhalan wax dhimasho ah.

Safaarada ayaa si kooban u sheegtay in gar-gaarka ay siday diyaaradaasi uu ahaa mid ka yimid dowladda Mareykanka, ayna sii wadi doonaan taageerada dowladda federaalka iyo mida shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay safaaradu u mahad-celisay Mas’uuliyiintii sida deg-dega ah uga fal-celiyay bur-burka diyaaradaasi, isla markaana samato bixiyay shaqaalihii saarna.

“Bur-burka diyaarada iyo mucaawinadu ku yimid inkastuu nasiib darro yahay, haddana waxaan ku faraxsanahay inaysan jirin cid wax ku noqotay shilkaasi oo joogtay dhulka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Safaarada.

Diyaarada bur-burtay oo aheyd nooca xamuulka, isla markaana ay laheyd shirkadda Bluebird Aviation ee dalka Kenya ayaa waxay si gaar ah ugu kireysneyd Qaramada Midoobay, sida ay hore u baahisay Caasimada Online.

Waxaana dhamaan howl-wadeenadii diyaaradaasi oo lagu sheegay Saddex ruux ayaa laga soo samata-bixiyay, iyada oo ay magaalada Muqdisho u soo qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ay leedahay Qaramada Midoobay.