Video: Mareykanka: Somalida waa dad aad halis u ah ee ha la iska ilaaliyo

Washington DC (Caasimada Online) – Siyaasi sare oo Mareykan ah ayaa ku baaqay in si taxaddar leh loola socda dhaq dhaqaaqa Soomaalida Mareykanka, kadib weerarkii xarunta West Gate ee Nairobi, Kenya.

Peter King oo ah guddoomiyaha guddiga ka hortagga argagixisada iyo sirdoonka ee aqalka wakiilada Mareykanka, ayaa sheegay in qiyaastii 20 Mareykan ah ay iminka ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabab ee dalka Somalia.

“Xaqiiqdii waa urur dilaa weyn ah, si aad ah u tababaran, waana ururka kaliya ee ka mid ah ururada ku xiran Al-Qacida ee dad ka qortay gudaha Mareykanka” ayuu King oo ah Jamhuuri (Republican) u sheegay TV-ga ABC.

“Waxaa jira ugu yaraan 40 illaa 50 Somali-American ah oo ka tagay Mareykanka, ayaga oo aaday Somalia, si loo soo tababaro. Qaarkood waa la dilay, balse weli kuwo ayaa nool”.

Mr. King oo laga soo doorto New York, ayaa qiyaasaya in 15 illaa 20 Somali Mareykan ah ay weli ka tirsan yihiin Al-Shabaab, wuxuuna ka digay in laga yaabo inay weeraro ka geystaan Mareykanka.

“Walaaca waxa uu noqon doonaa, haddii mid ka mid ah kuwaas uu kusoo laabto Mareykanka, wuxuuna tababarkiisa ku adeegsan karaa halkan” ayuu yiri.

“Waxaan u maleynaa in FBI-da iyo booliiska ay il ku hayaan buslahada Soomaalida, haddii ay helaanna wax shaki abuuraya ay ku dhaqaaqaan ka hor taggooda” ayuu yiri.

Qaar ka mid ah dadka weerarka ka geystay xarunta West Gate, ayaa la rumeysan yahay inay yihiin Somali-American sida Al-Shabab ay sheegtay, balse Washington weli ma aysan xaqiijin.

HALKAN KA DAAWO PETER KING

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com