Wararkii ugu dambeeyey MASAR oo ‘fursaddii ugu dambeysay’ siisay Ethiopia

Qaahira (Caasimada Online) – Kulanka ugu dambeeya ee u dhaxeeya Masar, Sudan iyo Ethiopia ee la xiriira biyo xireenka ay Ethiopia ka sameyneyso webiga Nile waa fursaddii ugu dambeysay ee heshiis lagu gaari karo kahor inta aysan Ethiopia dib u billaabin buuxinta biyo-xireenka, waxaa sidaas bayaan ay soo saartay Axaddii ku sheegtay Masar.

Kulanka ayaa Isniintii maanta kusoo geba-geboobaya magaalada Kinshasa.

“Wada-xaajoodyadan waxay ka dhigan yihiin fursaddii ugu dambeysay ee ay tahay in saddexda dal ay ka faa’iideystaan si ay heshiis u gaaraan….kahor xilliga daadadka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Masar.

Toddbaadkii tegay, madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay inay jiri doonto “xasillooni darro aan la qiyaasi karin oo ka dhacda gobolka,” haddii biyaha Masar ay hesho uu saameeyo biyo-xireenka.

“Ma jirto cid hal dhibic oo biyo ah ka qaadan karta Masar, cid kasta oo dooneysa inay isku daydana, ha isku daydo,” ayuu yiri. “Cidna ma qiyaaseyso inay ka fog tahay awoodaheena,” ayuu yiri Sissi.

Sudan ayaa waxaa hadda xiisad kale oo dhanka xuduudda ah ay kala dhaxeysaa Ethiopia, taasi oo salka ku haysa dhul beereedka gobolka al-Fashqa, waxaana Sabtidii ay dhoola-tus militari la sameysya Masar.

Hadalka cusub ee Masar kasoo baxay, iyo kuwii uu toddobaadkii tegay jeediyey madaxweyne al-Sissi, ayaa cabsi dagaal gelinaya gobolka, waxaana taxliiliyayaasha siyaasadda ay rumeysan yihiin in haddii wada-hadallada Kinshasa ay guul-darreystaan uu dagaal ka dhici karo gobolka.

REUTERS + VOA