Mashruuca dekedda Hobyo ee QATAR oo halis ay soo wajahday iyo qorshe socda

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa shaaciyey in Al-Shabaab laga yaabo in ay weerar ku qaado Dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, taas oo halis ku ah mashruucii dhismaha Dekeddaasi oo ay shalay ku dhawaaqday dowladda Qatar.

Wasiir Ducaale oo warbaahinta kula hadlayey Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan ogoleyn horumarka iyo qorshaha lala damacsanyahay Dekeddaasi.

Wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay haatan la dhameysay Qatar dhismaha Dekadda Hobyo, balse  waxa uu carabka ku dhuftay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerari karaan, haddii la dhiso, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in weli Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin maamulka Galmudug, islamarkaana ay ka heystaan illaa afar degmo.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanada maamulkaasi in ay taageeraan dowadda, si looga guuleysto Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com