Wisil (Caasimada Online) – Warar laga helayo magaalada Wisil ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax lagu beegsaday gaari uu la socday Kaasim Jama, oo ah madaxa Protocol-ka ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug, isla markaana si dhow ula shaqeynayay madaxda Galmudug.
Sida wararku tilmaamayaan, qaraxa ayaa dhacay xilli uu Kaasim Jama ku guda jiray hawlo shaqo oo rasmi ah. Qaraxa ayaa si weyn u dhaawacay darawalkii gaariga, halka Kaasim Jama uu ka badbaaday weerarka.
Waxaa sidoo kale weerarka ku geeriyooday laba askari oo ka tirsanaa ciidamadii amniga ee la socday, kuwaas oo sugayay ammaankiisa.
Ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, waxayna bilaabeen baaritaan ku saabsan sababta iyo cidda ka dambeysay weerarka. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xooggan oo cabsi ku abuuray dadka ku sugnaa deegaanka.
Wararku waxay sidoo kale tilmaamayaan in weerarku uu dhacay xilli ay jireen hanjabaado lagu beegsanayay mas’uuliyiinta dowladda iyo shaqaalaha ka shaqeynayay amniga iyo maamulka.


