Mas’uul ka tirsan Puntland oo qarax culus lala eegtay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta qarax nooca gawaarida lagu dhajiyo uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta ee gobolkaasi.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan waaxda canshuuraha wasaaaradda maaliyadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaas oo magaciisa lagu koobay Cabdi-Gube.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uulkaasi oo la dhigay isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo uu dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas oo aysan weli faah faahin laamaha amniga.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa falal liddi ku ah nabad-gelyada waxa ay ka dhacayeen gudaha magaalada Gaalkayo, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.