Mas’uul hay’adda NISA ka haya xil sare oo arrin yaab leh ku muteystay XABSI

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen Idaacadaha maxaliga ah waxaa habbeenimadii xalay xabsi la dhigay Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal oo la sheegay inuu ahaa Madaxa Hoggaanka caafimaadka ee hay’adda Nabadsugida Somalia.

Madaxa Hoggaanka caafimaadka ayaa waxaa xiray Ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka oo hooygiisa kala baxay.

Idaacada goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay in Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal la xiray kadib markii shalay uu gaarigiisa ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho.

Mas’uulkan ayaa xarigiisa yimid kadib markii uu ka badbaaday qaraxaasi oo dhacay waxyar kadib qaraxii gaariga Dr. Yaxye Caamir oo ka dhacay Isgooska debka ee magaalada Muqdisho.

Qoyska mas’uulkan xabsiga muteystay oo u waramaayay Idaacada ayaa sheegay in qaabka loo xiray aan ahayn mid uu mudnaa, islamarkaana loo diidey ehelkiisa iney ogaadaan halka la geeyey.

DFS ayaan wali ka hadal xarigga mas’uulkaasi waxaana loo badinayaa inuu mari doono baaritaano ku aadan Qaraxa lagu xiray gaarigiisa iyo sababta ku khasabtay in isagoo mas’uul ah uu dayaco naftiisa.

Dhainaca kale, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmahan ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana xusid mudan in DFS ay mar waliba xirto shaqsiyaadka leh gaadiidka lagu xiro Qaraxyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com